Wasiirka Warfaafinta oo maanta hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka

0
Sunday December 15, 2019 - 10:14:32 in by salman abdi
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta oo maanta hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka

    Wasiirka Warfaafinta oo maanta hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta oo maanta hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lagu wadaa in maanta uu Axad ah uu hortago Xildhibaannada Golaha Shacabka oo yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa.

Guud ahaan Ajandaha kulanka maanta ayaa ah su’aalo weydiinta Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta oo xidlhibaannadu dalbadeen in uu horyimaado si su’aalo looga weydiiyo arrimo quseeya howlaha Wasaarradda iyo eedeymo loo soo jeediyay.

 

Eedeymaha Wasiirka loo jeediyay ayaa waxaa ka mid ah in Warbaahinta Qaranka aan si siman looga baahin khudbadaha Xildhibaannada xilliyada ay socdaan doodaha Baarlamaanka balse kaliya laga daayo xildhibaannada taagersan Xukuumadda arrintaa oo ay ku macneeyeen ku takri fal awooddeed.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa u muuqda waqtigan in ay bilaabeen la xisaabtanka Xukuumadda iyaga oo toddobaadyadii ina dhaafay su’aalo weydiiyay Wasiirro, Taliyayaal ciidan iyo waliba saraakiisha laamaha socdaalka Dowladda.