Guddida Arimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta Ogolaaday Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka iyo Wakhtiga Si Rasmi ah loo Ansixinayo

0
Thursday October 23, 2014 - 22:26:04 in by salman abdi
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Arimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta Ogolaaday Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka iyo Wakhtiga Si Rasmi ah loo Ansixinayo

    Guddida Arimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Xog waraysi ku saabsan Taariikhdoooda aqooneed iyo waayo aragnimo la yeeshay Guddida Komishanka Doorashada Somaliland ee dhawaan la magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Arimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Xog waraysi ku saabsan Taariikhdoooda aqooneed iyo waayo aragnimo la yeeshay Guddida Komishanka Doorashada Somaliland ee dhawaan la magacaabay.

Kulan Al-baabadu u xidhnaayeen oo maanta ka qabsoomay Xarunta Golaha wakiilada ayaa Xubnaha Komishanka mid mid loo eegay CV-gooda,iyagoo waayo aragnimadoodana uga xog waramay guddida wakiilada.


Gudoomiyaha Guddida Arimaha gudaha Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankaasi "Inkasta oo Waraaqaha Guddida doorashadu aad u soo habsaantay oo anaga Shalay uun ay na soo gaadheen haddana maanta ayaanu iskugu yeedhnay.sidaad ka war qabtaana cida ay tahay inay kala reebto,baadho,dabagash,xaqiijiso oo kala shaandhayso waraaqahooda iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin waa guddida arimaha gudaha wakiilada.

Runtii waxaad moodaa Roolal la kala leeyahay in mararka qaar la kala qaato oo Madaxtooyadu inbadan isku mashquulisay inay baadho ama celiso Xubno la soo magacaabay, awoodaasina meel ale meel ay sharciga kaga taal ma jirto, awooda celinta iyo baadhistana waxaa leh Guddidan arimaha gudaha, Sharcigayagiina waanu ka gudanay waanuna Ogolaanay Guddida” ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

 

Gudoomiyaha Guddida Arimaha Gudaha ee wakiiladu waxa uu sidoo kale ka hadlay wakhtiga la ansixinayo Komishanka "Runtii Sabtida ayaa la iskugu yeedhay Golaha si loo ansixiyo Komishanka laakiin, waxaan maqlayay Xildhibaano badan oo diidan sababtoo ah waxay diidan yihiin ba in Komishanka la ansixiyo, waxayna u diidan yihiin in Diwaangalinta iyo doorashadu dib u dhacdo, waxayna ila tahay inaanay arintaasi u suuro galayn oo Komishanka la ansixin doono” ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.


Contact@afkashacabka.com