"Dalku Fowdo Ayuu Galaya Haduu Galana Dee Ninka Aan Isagu Waxba Ku Qabin Markii Hore (Mucaaridka) Waxba Kaga Xumaan Mayaan." Siciid Sulub.

0
Thursday October 23, 2014 - 23:03:20 in by salman abdi
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dalku Fowdo Ayuu Galaya Haduu Galana Dee Ninka Aan Isagu Waxba Ku Qabin Markii Hore (Mucaaridka) Waxba Kaga Xumaan Mayaan." Siciid Sulub.

    Siyaasiga Siciid Sulub Maxamed oo Xukumadi Daahir Rayaale Kaahin, ka aha Wasiirka Hawlaha Guud ayaa sheegay in dalka Somaliland fawdo galaayo, sidoo kale aanay waxba dalka ka ahayn Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE oo shalay shir jaraa'id oo ay qabt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Siciid Sulub Maxamed oo Xukumadi Daahir Rayaale Kaahin, ka aha Wasiirka Hawlaha Guud ayaa sheegay in dalka Somaliland fawdo galaayo, sidoo kale aanay waxba dalka ka ahayn Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE oo shalay shir jaraa'id oo ay qabteen dhaliilo u soo jeediyay Guddoomiyaha Golahooda Wakiilada.


Siciid Sulub oo saxaafadda kula hadlaayay Magaaladda Hargaysa, waxaa hadaladiisi kamid aha.”Inanki kaligii aamusay (Xildhibaan Ibraahim Ruush) ayaa xalay farta ruxaayay, ma inanka kaligii aamusay ayaa 64-Xildhibaan ka awood ronaanaya,? oo wax laalush lagu kaxaysto iyo wax farsamo xumo kale lagu kaxaysto ah, inamada hanjabayay (Xildhibaanada) ee qaylinaaya waxaa leeyahay qiimo kuma lihidin dalka, sababto ah mar hadaad subaxba cod gaara ku hadlaysaan oo aydaan dadkii idin soo doortay iyo golaha sharcigiisa ku soconayn waxba kama jiraan waxaad tidhaahdeen. "

Siciid Sulub Maxamed waxa kale oo uu sheegay in dalku fawdo galaayo, haddu galana aanay waxba u noqonayn ninka isagu markii hore aan waxba ku haynin, (Mucaaridka) isagoo markale arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.” Waxaanu leenahay hadaanu Xisbiga WADANI nahay, ruqo ninkii laha dabada hayaa ma kacdo, ka daaya Golaha wakiilada ee aad dhaq-dhaqaajinaysaan, ka daaya golaha guurtida ee aad jeebka ku haysataan ee kolba dhinac u dhigaysaan. Hadad ka dayn waydaan dalku fowdo ayuu galin, haddu galana ninki aan waxba ku qabin (Mucaaridka) dee waxba u noqon maayo”




Contact@afkashacabka.com