Tirada dhimashada Qaraxii Muqdisho oo sii korartay '' Ku Dhawaad 100 ruux oo Geeriyootay''

0
Saturday December 28, 2019 - 13:59:24 in by salman abdi
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada dhimashada Qaraxii Muqdisho oo sii korartay '' Ku Dhawaad 100 ruux oo Geeriyootay''

    Tirada dhimashada Qaraxii Muqdisho oo sii korartay '' Ku Dhawaad 100 ruux oo Geeriyootay''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada dhimashada Qaraxii Muqdisho oo sii korartay '' Ku Dhawaad 100 ruux oo Geeriyootay''

Waxaa saacad walba isa soo taraya warka ku saabsan Khasaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu sababay Qaraxii subaxnimadii hore ee saakay lagu bartilmaameedsaday Isgoyska mashquulka badan ee Ex-Koontarool Afgooye magaalada Muqdisho.

Dhimashada ayaa lagu waramayaa in ay gaareyso 100 ruux sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka iyo Isbitaallada la geeyay meydadka iyo dadka ku dhaawacmay Qaraxa.

 

Isbitaalka Madiina oo kaliya ayaa la sheegay in dhigay meydadka ku dhawaad 70 ruux, waxaana sidoo kale jira meydad kale oo iyagana la geeyay goobaha caafimaadka Muqdisho iyo kuwa kale oo ay qaateen Qoysaskii iyo Eheladii ay ka soo jeedeen.

Waxaa soconaya baadigoob wali dadka qaar ay ugu jiraan Ehel ahaayeen oo ugu war danbeysay ka hor inta uusan Qaraxu dhici Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, khasaaraha ugu badanna waxaa uu soo gaaray Ardey ku safreysay Bus goobta mararayay.

Mid ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in marka la eego saameynta Qaraxan uusan waxba ka duwaneyn kii 14 October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Baraha bulshada ay ku wada xiriiraan ayaa waxaa qabsaday tacsida iyo sawirada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday Qaraxan oo ay soo dhigayaan dad ay asxaab ahaayeen.

Dowladda Soomaaliya wali ma aysan soo saarin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ahaa oo ilaa iyo hadda aysan jirin cid sheegatay mas'uuliyadiisa.