Maraykanka oo ka digay weeraro argigixiso oo lalabartilmaameesado diyaaraadaha hawada Kenya isticmaala

0
Wednesday January 01, 2020 - 13:14:39 in by salman abdi
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo ka digay weeraro argigixiso oo lalabartilmaameesado diyaaraadaha hawada Kenya isticmaala

    Maraykanka oo ka digay weeraro argigixiso oo lalabartilmaameesado diyaaraadaha hawada Kenya isticmaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka oo ka digay weeraro argigixiso oo lalabartilmaameesado diyaaraadaha hawada Kenya isticmaala Diyaaradaha Mareykanka ee adeegsada hawada Kenya ayaa loogu digay inay aad uga taxadaraan labada bilood ee soo socota.

 

Maamulka Duulista ee dowladda Federalka Maraykanka ayaa ka digay in kooxaha xagjiriintu ay bartilmaameesan karaan diyaaradaha isticmaala hawada bariga Afrika.

Diyaaradaha duulimaadyada rayidka ah iyo dhamaan hawlwadeenada diyaaradaha ka diiwaangashan Mareykanka ayaa lagula taliyay inay taxadaraan marka ay ka wareegayaan hawada Kenya ee dhinaca bariga masaafo dhan 40 digrii ee dhererka ka hooseeya fl260.

Waxaa laga yaabaa in lagu bartilmaameesado madaafiicda iyo gantaallada lagasoo hago meelaha fogfog, xilliyada imaatinka iyo bixitaanka.

Kenya ayaa u nugul weerarada argagixiso. Dhawaan, Al-Shabaab ayaa weerarey bas ka shaqeeya Mandheera halkaas oo ay ku dileen 11 rakaab ah.

Toddobaadkii hore, laba oo nin ganacsade ah ayay kooxdu ka afduubteen Gaarisa, iyadoo tirada guud ee dadka la qafaashay ka dhigaysa illaa 8.