Maxaa Ka Jira In Dalka Maraykanka oo dalkiisa udiiday filim sameeye reer Syria oo u sharraxan abaal marinta Oscar

0
Thursday January 02, 2020 - 13:40:59 in by salman abdi
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Dalka Maraykanka oo dalkiisa udiiday filim sameeye reer Syria oo u sharraxan abaal marinta Oscar

    Maxaa Ka Jira In Dalka Maraykanka oo dalkiisa udiiday filim sameeye reer Syria oo u sharraxan abaal marinta Oscar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira In Dalka Maraykanka oo dalkiisa udiiday filim sameeye reer Syria oo u sharraxan abaal marinta Oscar Maraykanka ayaa fiisihii dal ku gal u diiday filim sameeyaha reer Syria Feras Fayyad, isagoo loo tixgalinayo inuu yahay ninka ku guulaysan kara abaalmarinta Oscar ee la bixinayo sannadkaan 2020.

laba sano ka hor ayay ahayd markii loo sharraxay abaalmarinta qaaliga ah ee filimkiisii dokumentiga ah ee la yiraahdo'Last Men of Aleppo'.

Fayyad, wuxuu sheegay inuusan awoodin inuu ka qeybgalo abaal marinta Oscar oo ka dhacaysa Mareykanka sababtoo ah lama siinin fiiso.

 

"Waxaan haystaa Baasaboor Siiriyaan ah waxaan musaafurin ugu noolahay Kobanheegan, Danmark. Waxaa la iigu talo galay inaan joogo hadda Mareykanka, laakiin taa beddelkeeda waxaan u xayiran yahay fiisihii aan u baahnaa," Fayyad ayaa sidaasi ku qoray bartiis Facebook.

Amarka Trump ee loogu magac daray "xayiraadda Muslimiinta", ayaa ka mamnuucaya inta badan muwaadiniinta Siiriya, Yemen, Iran, Libya iyo Soomaaliya inay galaan Mareykanka.

Trump, wuxuu ballanqaaday inuu ka horjoogsanayo dhammaan muslimiinta inay soo galaan Mareykanka, wuxuuna xayiraadda saxiixay 27kii Janaayo 2017, taasoo dhalisay mudaaharaadyo iyo dagaallo sharci oo muddo socday.

Inkastoo go'aannadiisa maxkamaddo horey u joojiyeen , laakiin waxaa ansaxiyay maxkamadda sare sanadkii 2018.

Golaha Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka (CAIR), oo ah koox fadhigeedu yahay Washington, ayaa dhalleeceeyay diidmada fiisaha.

Fayyad, Filimkiisa ugu dambeeyay ee la yiraahdo The Cave, waa mid ka mid ah 15 filim oo loo soo xulay abaal marinta Akademiga ee Oscar.

Bisha soo socota, garsoorayaashu waxay dooran doonaan shanta filim ee ku tartamidoona Oscar kahor xafladda abaalmarinta 9ka Feebarwari 2020.

Laakiin maadaama uusan awoodin inuu helo fiiso Mareykanka, Fayyad ma awoodi doono inuu ka qeyb galo xafladda.