Eyda iyo ilaalada Sirdoonka Aqalka Cad ee Maraykan oo Weeraray Nin isku Dayey Inu u Dhaco Guriga Cad

0
Friday October 24, 2014 - 18:57:15 in by Super Admin
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eyda iyo ilaalada Sirdoonka Aqalka Cad ee Maraykan oo Weeraray Nin isku Dayey Inu u Dhaco Guriga Cad

    Nin 23 jir ah ayaa la qabtay ka dib markii uu ka booday gidaarka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka maalinimadii Arbacada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin 23 jir ah ayaa la qabtay ka dib markii uu ka booday gidaarka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka maalinimadii Arbacada,

bil uun ka dib markii ninkale uu ku guuleystay in uu gudaha u galo qasriga madaxtooyada Maraykanka ee uu degenyahay madaxweynaha Obama.

Ninkan oo la yidhaahdo Adesanya waxaa markiiba weeraray eyda ay wateen ilaalada sirta ee Aqalka Cad ka dib markii uu isku deyey in uu ka soo dhaco gidaarka Aqalka cad xili habeen ah.

Adesanya waxa uu isla markii ay eydu qabteen uu bilaabay in uu feedho oo uu laad la dhaco eyda ka hor intii aaney soo gaadhin saraakiisha ciidanka sirdoonku.

unnamed

 

Ninkan ka dhacay gidaarka Aqalka Cad ayaa la sheegay in aanuu hubeysneyn, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka sirdoonka ee Ilaaliya Aqalka Cad ee dalka Maraykanka.

Sidoo kale Adesanya waxaa loo kexeeyay cisbitaal ku yaala magaalada Washington, iyada oo eydii ay islaayeen la geeyay goob lagu eego caafimaadka eyda si loo eego hadii ay jiraan dhaawacyo soo gaadhay intii ay dagaalka kuwada jireen ninkan gidaarka ka soo dhacay.

Tani waxay daba socotaa ka dib markii nin uu hore bishii Disember ee isla sanadkan ugu dhacay Aqalka Cad isaga oo ku hubeysan toori, taas oo cadho ka dhalisay dalka Maraykanka. 




Contact@afkashacabka.com