War DegDeg ah: Radio Hargeysa oo markii ugu horeysay Burco Laga Dhegaysanayo FM ta , Baabuurta iyo Mobilada
Waxa Xalay Hawada Si toosa u soo Gashay Idaacadda Radio Hargeysa oo an Dalka oo dhan laga Dhegaysan Jirin iyadoo FM ah, maadaama Bulshadu iminka u badatay isticmaalka FM ta oo Mobilada iyo Baabuurtooda ay ku dhegastaan, Waxana Mar qudha Xalay lagu War helay Baabuurta Maraysa Magaalada oo ay ka baxayso Idacaddii Radio Hargeysa oo Warkii ku jirto, illaa saaka Dadku Waxay isu sheegayeen so gelitaanka FM ta Radio Hargeysa, Dadka idacadda hore u dhegaysan jiray ayaa ku koobnaa dad tiro yar oo Rikoodhadii hore haysta isla markaasna aan iyagu shaqo ba ku lahayn Casriga danbe iyo FM ta ay dadku mobiladooda iyo baabuurtooda kaga dhegaystaan idacadaha sida BBC da oo ahayd iyadu ta keliya ee la dhegaysto baabuurta iyo mobiladooda.
Dadweynaha reer Burco ayaa ad ugu riyaaqay soogelitaanka FMta ee Radio hargeysa maadama ay hore ugu xidhnaayeen Idacaddii Quraanka kariimka ahayd oo iyadu 24ka saacadood ba laga dhegaysan jiray mobilada iyo baabuurta, waxana Dadku saaka iyo maanta ka dhegaysanayeen wararkii Radio Hargeysa Frenqueska lagaga dhegaysto Caasimadda ee 89.7 oo idacadda radio hargeysa laga dhegaysto marka hargeysa la joogo.
Haddii ay Mawjadda FM sidaa ku hirgasho oo ay ugu sii shaqayso Dadweynaha Reer Burco Waxay u noqonaysa Wax weyn oo ay kaga maarmaan idaacadda BBCda oo Dadka FMta isticmaala keligeed dhegaha ka haysatay.
Dareenka Dadka iyo sida ay u arkaan Guusha dhinaca warbaahinta ee xukuumadda Madaxweyne silaanyo ka gaadhay wakhtigii ay talada waddanka haysay iyo Ballaadhinta Idaacadda iyo Tvga qaranka oo an wax ka waydiin doono Dadweynaha reer Burco kala soco shebekedda afkashacabka.com maalmaha soo socda insha allah.
Afkashacabka.com
Burco /Office
War DegDeg ah: Radio Hargeysa oo markii ugu horeysay Burco Laga Dhegaysanayo FM ta , Baabuurta iyo Mobilada
iyo Dadweynaha Reer Burco oo so Dhoweyey Waxqabadka Wasaradda Warfaafinta