Mareykanka oo shaaciyay tirada dadkii kaga waxyeelloobay weerarkii saldhigga milatariga

0
Monday January 06, 2020 - 12:39:46 in by salman abdi
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo shaaciyay tirada dadkii kaga waxyeelloobay weerarkii saldhigga milatariga

    Mareykanka oo shaaciyay tirada dadkii kaga waxyeelloobay weerarkii saldhigga milatariga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo shaaciyay tirada dadkii kaga waxyeelloobay weerarkii saldhigga milatariga

Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo reer Mareykan ah.

Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in laba qof oo kale oo ka tirsan wasaaraadda gaashan dhigga uu dhaawac ka soo gaaray weerarkii saakay.

''Xaaladda dhaawacooda, haatan wuu wanagaasanahay, gudaha Kenyana waa laga qaaday'' sidaasi waxaa sheegay taliyaha milatariga Mareykanka ee Afrika.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Janaraal Stephen Townsend ayaa warbixinta ku sheegay: '' Qalbiyadeena iyo ducadeena ayaa la jira qoysaskii iyo saaxibadeenii ku geeriyooday weerarkii argagixisada ee maanta.''

Ururka Al-Shabaab oo xiriir la leh ururweynaha Al-Qaacidah ayaa dagaal kula jira dowladda Soomaaliya ee ay baritaarto Qaramada Midoobay, waxa ayna gudaha Soomaaliya ka gaystaan weerraro ay dad badan ku dhintaan.

Waxaa ugu dambeeyay qaraxii 28-kii bishii Diseembar ka dhacay bar koontarool oo ku taal magaalada Muqdisho, halkaas oo inta la og yahay naftooda ay ku waayeen in ka badan 80 qof.

Sidoo kale in ka badan 120 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay isgoys aad u mashquul badan, waxaana weli jira dad aanan nolol iyo geeri midna lagu hayn.

Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah laba qof oo u dhalatay Turkiga, sida ay xaqiijisay safaaraddooda Muqdisho oo barteeda Twitter-ka ku qortay arrintaas.

Maxaa ka dhacay xerada Simba?

Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya.

Weerrarka lagu qaaday saldhigga Simba ee degmada Manda Bay ayaa waxa uu dhacay waxyar un ka hor inta uusan waaga baryin.

Xoogagga Difaaca Kenya KDF ayaa sheegay in afar ka mid ah, dableeyda weerarka soo qaadday la dilay, sidoo kale afhayeen u hadlay Xoogagga Difaaca Kenya KDF wuxuu sheegay in dab ka dhashay weerarka la damiyay uuna haatan wanaagsan yahay xaaladda saldhigga.

Gegi diyaaradeed oo shacabka isticmaalaan oo aan sidaa uga fogeyn goobta la weeraray ayaa iyadana dib loo furay. Sida ay sheegeen saraakiisha duullimaadka.

Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in qeybta isqarxinta ee ururkaasi ay khasaare culus gaarsiiyeen saldhiggaasi oo qeyba ka mid ah ay qabsadeen. Waxyna Ururka sidoo kale sheegeen in milatariga Kenya ay diyaarado isticmaaleen si ay isaga caabiyaan weerarka.

Siduu u ballaarnaa khasaarihii la soo tabiyay ee weerarka?

Wakaaladda Wararka ee AP ayaa soo tabisay in laba diyaaradood, laba helikobtar oo uu Mareykanka leeyahay iyo dhowr baabuur lagu bur-buriyay saldhigga la weeraray.

Al-Shabab ayaa sheegtay iney dileen 9 askari oo Kenyaan ah iyo 17 ka tirsan xoogagga Mareykanka. Wuxuuna ururka intaasi ku daray in toddobo diyaaradood iyo shan gaari oo kuwa milatariga ay buburiyeen.

Weriye ka tirsan VOA ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirro ay Al-shabaab ku sheegeen iney yihiin diyaarad uu Mareykanka leeyahay.

Sida ay soo tabisay AP saldhigga la weeraray waxaa ku sugnaa ciidamo Mareykan ah oo boqol ka yar, waaana weerarkii ugu horreeyay ee ay AL-shabaab ku bartilmaameedsato xoogagga Mareykanka ee ku sugan Kenya.