Baarlamaanka Ciraaq oo ansixiyay qorsha ciidamada Mareykanka looga saarayo Ciraaq

0
Monday January 06, 2020 - 12:46:08 in by salman abdi
  • Visits: 324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Ciraaq oo ansixiyay qorsha ciidamada Mareykanka looga saarayo Ciraaq

    Baarlamaanka Ciraaq oo ansixiyay qorsha ciidamada Mareykanka looga saarayo Ciraaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Ciraaq oo ansixiyay qorsha ciidamada Mareykanka looga saarayo Ciraaq

Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa waxay ansixiyeen qaraar ku baaqaya in ciidamada Shisheeye ay dalka ka baxaan.

Rai'sul wasaaraha Cadil Cabdul Mahdi, ayaa khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka waxa uu ka sheegay in go'aankani uu yahay mid u wanaagsan Ciraaq , iyada oo ay jirto dhibaatada gudaha iyo dibadda ee uu dalka wajahayo.

Baarlamaanka ayaa waxay sidoo kale ka codsadeen dowladda Ciraaq inay mamnuucdo in sinaba ay xoogaga shisheeye u isticmaalaan dhulka, cirka iyo biyaha Ciraaq.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ka joogo Ciraaq 5,000 oo militari ah oo intooda badan ay yihiin la taliyayaal dhanka militariga.

Qaraarkan ay maanta ansixiyeen baarlamaanka Ciraaq ayaa waxaa aqalka geeyay, rai'sul wasaare Caadil Cabdul Mahdi, oo ku baaqayay in la soo afjaro joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka Ciraaq.

Waxay arrintani ku soo beegmaysaa xilli dhawaan ay Mareykanka duqeyn ku dileen janaral Qasim Suleymaani oo ahaa janaraal laf-dhabar u ahaa militariga Iran iyo howlaha ay ka wadaan bariga dhexe.

Kumannaan qof oo baroor-diiq samaynaya ayaa maanta isugu soo baxay waddooyiina magaalada Ahvaz si ay halkaasi ugu qaabilaan maydka Qasem Soleimani,oo ahaa Janraal ay Mareykanka ku dileen duqeyn magaalada Baqdaad.