Puntland oo xukun dil ah ku riday askari ka dambeeyay dilkii taliyihii garoonka diyaaradaha Bosaso

0
Monday January 06, 2020 - 12:49:37 in by salman abdi
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo xukun dil ah ku riday askari ka dambeeyay dilkii taliyihii garoonka diyaaradaha Bosaso

    Puntland oo xukun dil ah ku riday askari ka dambeeyay dilkii taliyihii garoonka diyaaradaha Bosaso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo xukun dil ah ku riday askari ka dambeeyay dilkii taliyihii garoonka diyaaradaha Bosaso Maxkamadda racfaanka ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dil toogasho ku xukuntay Axmed Aadan Maxamed Gaagaale oo ku eedaysnaa dilka taliyihii madaarka Bosaso, Xasan Shire Amaan.
Axmed Gaagaale oo ahaa askari katirsanaa ciidanka ilaalada garoonka diyaaradaha Bosaso, ayaa baxsaday markii uu dilkaas geystay oo ahayd 7-dii december- 2015, hase yeeshee dadaal badan kadib, Puntland ayaa ku guulaysatay in gacanta lagusoo dhigo.

Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ayaa askarigaan horey ugu riday xukun dil ah, balse racfaan uu ka qaatay xukunkiisa ayaa dacwada heerkaan soo gaarsiiyay.

Go'aanka maxkamada kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ninkaan isna loo xukumay 67-halaad oo diyo ah, taasoo ah dhaawacyo kasoo gaaray howlgalkii lagusoo qabanayay. Waxaana diyadaas lagu xukumay inuu bixiyo maamulka Puntland.