"Cashuurtii Qaranku Ku lahayd ayey Shacbiga Saarteen'"Aqoonyahan Sakariye Cabdikariim Maxamud Oo Si Kulul Uu Dhaliilay Shirkada Laydhka Ee HECO

0
Monday January 06, 2020 - 13:12:21 in by salman abdi
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cashuurtii Qaranku Ku lahayd ayey Shacbiga Saarteen'"Aqoonyahan Sakariye Cabdikariim Maxamud Oo Si Kulul Uu Dhaliilay Shirkada Laydhka Ee HECO

    "Cashuurtii Qaranku Ku lahayd ayey Shacbiga Saarteen'"Aqoonyahan Sakariye Cabdikariim Maxamud Oo Si Kulul Uu Dhaliilay Shirkada Laydhka Ee HECO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cashuurtii Qaranku Ku lahayd ayey Shacbiga Saarteen'"Aqoonyahan Sakariye Cabdikariim Maxamud Oo Si Kulul Uu Dhaliilay Shirkada Laydhka Ee HECO

Burburkii laxaadka lahaa Ee ay keeneen Dagaaladii Adkaa Ee Soomaray dalkeena Waxay sabab U noqdeen In hanti badan Oo Ay dawladii Jamhuuriyada Soomaalidu lahayd ay lawareegaan Shacabku.Markii Dalka lagu soo noqday balse Xukuumadihii U kala danbeeyey Tallad Jamhuuriyada Somaliland Kumay wada guuleysan inay Hantida Qaranka Ay kusoo Celiyaan gacanta Dawlada.

Waxaa kamid ahaa Hantidii Dawladu Ay lahayd Ee aan Wali gacanta Dawladihii U kala danbeeyey Hogaaminta Shacabka Jamhuuriyada Somaliland Soo gelin wakaaladihii Adeega Iftiiminta qaranka Oo Xilligii Dawladii Taliska Maxamed Siyaad barre ay gacanta ku heysay Laakiin ka baxay gacantii Xukuumada Intii ay dagaalada adagi soconayeen.Duruufahaasi waxay sababeen In Wakaaladihii Adeega iftiiminta Magaalooyinka dalkeena ay Maamulaan kana ganacsadaan dad gaari.Intaasii Haddii Aynu kaga Nimaadno Waayaha adag Ee aan Soo xusay Aynu kusoo Dhawaano U jeedada qoraalkeena.

Qoraalkan waxaan Kumuujin doonaa Haddii Alle ka dhigo, Qodobadan Oo aan U arko inay yihiin Kuwa ay Bulshadeenu U baahan tahay inay ogaato isbadelka ku yimi Adeega Korontada Ee ay Bixiso Shirkada Shirkada Korontada Ee Geeska (HECO) Ee Magaalada Burco iyo Sidii ay ahaayeen Shirkadihii Iftiiminta Ee ka jiray Magaalada Xilligii Uu Suuqu ahaa Xorta.

* Shirkadihii Bilowga U ahaa Adeega Korontada Ee Magaalada Burco

*Bilowga Tartankii Adeega Korontada Ee Magaalada Burco

*Midowgii Shirkadaha Korontadu Muxuu keenay

*Maxaa keenay Cashuurta Iibka In Shirkada Heco Ay Dulsaarto Macaamiisha

*Xalku Muxuu Noqon karaa

* Shirkadihii Bilowga U ahaa Adeega Korontada Ee Magaalada Burco

Waxaa ka bilaabmay Magaalada burco shirkado bixiya Adeega korontada Oo aan lahayn Awood ay kuwada gaadhsiiyaan magalaada,waxaana kamid ahaa shirkadihii xilligaa Bixin jiray Adeega Shirkado lagu Magacaabi jiray Maxamed Jaamac ,Beder iyo Kaah (Nesco) inta aan ka Xasuusto Oo Adeegoodu ahaa Mid gelin kaliya baxa .Waxay Sameeyeen Shirkadaasu Horumar wanaagsan Oo keenay in Magaaladu ay hesho Adeeg dhameystiran (Day and Night) ka dib Markii Shirkadaha Beder iyo KaahAy lawareegeen Adeega Iftiiminta Qeybo kamida Magaalada Burco,Waxaa Se Muuqatay Baahiweyn Oo Ay Adeega iftiiminta U qabeen Qaar kamida Xaafadaha Magaalada Oo ay awoodi waayeen shirkaduhu inay gaadhsiiyaan.

*Bilowga Tartankii Adeega Korontada Ee Magaalada Burco

Horumar wanaagsan iyo Adeeg Iftiimin Oo leysku haleyn karo Oo ka jiray guddaha Magaalada burco waxaa kusoo biiray Suuqii Adeega Iftiiminta Ee Magaalada Shirkadaha Plaza,Somtel iyo Cabdi Xaaji Diiriye Oo Wax weyn ka badaley Baahidii Adeega ay U qabeen Bulshada Magaaladu,waxay qeyb ka noqdeen Suuqa Tartanka Adeega Iftiiminta Oo Shacabku ay aad Ugu Bogeen.Waxayna Shaqo abuur usameeyeen dhallinyarada iyo Xirfadlayaashii aan Shaqeyn jirin, Dhanka kale waxay Si wada jira Shirkadahaasu Uga qeybqaateen Iftiiminta Jidadka,Dugsiyada,Masaajidada iyo Wadooyinka Xaafadaha Ee Magaalada burco.Waxayna ahaayeen Shirkado Bogaadin Mudan.

* Midowgii Shirkadaha Korontadu Muxuu keenay

28 March Ee Sannadkii 2014 kii Waxay Si wada jira Shirkadaha Adeega Iftiiminta Ee Magaalada Burco Oo ahaa 5 Shirkadood Ay Ku Dhawaaqeen Inay ku Midoobeen Magaca Shirkada Korontada Ee Geeska (Horn Electricity Company),Maalintaasi Shacabku kamay Fileyn Ku dhawaaqista Midowga In Wax isbadel ahi Uu Iman doono. Munaasabad Balaadhan Oo loo qabtay Midowga waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiin katirsanaa Xukuumadii Uu Hogaaminayey Madaxweynihii hore Ee Dalkeena Mudane Axmed Siilaanyo Oo ay qaar kooda hadda ka tirsan yihiin Xisbiyada Mucaaradka.

5 Sanno ka dib Midowga Shirkadihii Iftiiminta Ee Magaalada Burco Muxuu kusoo kordhiyey ama ka badaley Baahidii Ay U qabeen Adeega Korontada Shacabka Magaadaladu Waa isweydiin mudan in aynu isweydiino ? Haa,Wey jiraan Isbadel Ay sameeyeen Laakiin Maaha Mid laga filayey Shirkad intaa leeg inay bulshada hor keento Oo waliba Uu isbadelkaasuna ka yaraado kii Ay sameyn jireen Markii Ay Shirkadaha kala duwan ahaayeen.

Tartankii ganacsi Ee Adeega Iftiiminta Magaalada Burco Wuxuu noqday Mid aan Xor ahayn Oo U xidhan shirkada Heco yadoo garab ka helaysa Dawlada dhexe Ee Jamhuuriyada Somaliland.Taasina waxay Siisay Fursad ay suuqa kaligood ku maamulaan Siday doonaan Ka yeelaan Shacabka.Suuqii Xorta ahaa Ee Adeega korontada Ee Magaalada burco ka hor Intii aan loo badelin kootada wuxuu ahaa Mid ay shirkaduhu Macaamiisha Ay siiyaan Daryeel iyo Adeeg ay ku qanacsan yihiin Laakiin Maanta Taasi majirto.

Jidadkii Xaafadaha,Magaalada,goobaha Waxbarashada iyo Caafimaadkaba Adeegyadii ay siin jireen Maanta Masiiyaan,Waxaana Cadeynaya Ka hor Midowgooda Shirkad waliba waxay Xaafadaha Magaalada Siin jirtay Adeega Iftiimin Oo Bilaasha Laakiin maanta Adeeg waliba waa Lacag Mana jirto Wax bilaasha Oo ay bixiyaan Marka laga reebo Masaajidada.Waxay kor usii qaadeen shaqo la’aantii ka jirtay Magaalada Burco Waxaana Muuqda inay Dhimeen Shaqaalahoodi ka kala hawlgali jiray Xaafadaha kala duwan Ee Magaalada,Haddii aynu meel dhow ka eegno 20 ilaa 30 Xaafadood iyo Meheradoodba waxaa ka hawlgala Hal Cilad bixiye,waxay shaqaaluhu ku sheegayaan Marka ay kasoo Habsaamaan Xilligii aad la balansanayd in Culays shaqo Uu heysato Oo kaga Imanaya Xagga Shirkada.Midowga Shirkadihii Adeega korontada Lama Odhan karo Waxay Soo kordhiyeen isbadel Bulsho iyo Adeeg Balse waxaan odhan karaa waxay kordhiyeen Baahidii jirtay.

*Maxaa keenay Cashuurta Iibka In Shirkada Heco Ay Dulsaarto Macaamiisha

Sida kamuuqata Waraaqaha Qiime sheegta Ee Shirkada Adeega korontada Geesku Ay siiso Macamiisha Dhamaadka Bil kasta,Waxaa Bishii hore Ee Sannadkii Tagey lagu soo daray In Macaamiishu Ay bixiyaan Cashuurta Iibka (Sales Tax) Oo aan lahayn Qiime go’an.Waxaa isweydiin Mudan Inaynu Ogaano Cashuurta Iibka Yaa lagu leeyahay ama Bixinaya Si Waafaqsan sharciyada caalamigaa iyo Xeerarka Dalkeena. Waxaa cashuurtan Bixinaya Shirkad kasta ama Qof kasta Oo Iibinaya Alaab ama Adeeg la iibsanayo Laakiin Maaha Cashuur Ay bixinayaan Macaamiishu. Waxayna Taasi Ina tusaysaa In Cashuurta Shirkadu Ay Macaamiisha Dulsaartay ay Tahay mid Sharci daro ah.

Haddii aynu Eegno Xeerarka Dhaqaalaha Ee ay adeegsadaan Shirkada Caalamigaa iyo kuwa Maxaligaa Ee ka shaqeeya Suuqa Xidhan ama Kootada ah (Monopoly Market) Waa mid kamida dabeecadaha ay leeyihiin,Marka Dawladu ay Cashuur kusoo rogto waxay yaguna Dulsaaraan Macaamiisha isticmaasha Adeegooda Cashuur Si aanay shirkadahaasu Fooda U saarin dhaqaale yaraan,Waxayna Og yihiin In aanay Macaamiishu Diidi Karin Qiime kasta Oo ay Saaraan, Sababta Oo ah Majirto Meel kale Oo ay U cararaan.

Cadeymaha kale Ee Muujinaya In Cashuurta Shirkada Heco Ay Kusoo Rogtay Macaamiishu ay Tahay Mid aan lahayn qiime go’an sida kamuuqda waraaqaha Qiime sheegta Ee ay Macaamiisha siiyeen Bishii hore waxaa ku kala qoran Cashuuro kala duwan Sida inay Cashuurta Iibka qaar kamida Macaashiisu Bixiyaan Qiime Lacageed Oo dhan SLSH 4,250.00 Una dhiganta ($0.50) iyo SLSH 2,040.00 Una dhiganta ($0.24) Oo ah Qiimaha Uu marayey Sarifka 01-01-2020, kala duwanaanshahani Qiime Wuxuu Markale Inoo Cadeynayaan In ay cashuurtani Tahay Mid sharci daro ah.

Waxaynu qoraalka sare kusoo Xusnay Xeerarka sharci ahaaneed Ee Cashuurtan iyo Cidda ay ku waajibka Tahay inay bixiyanaa.Haddaba waxaa Isweydiin Mudan

B.Sidee ayey Dawladu ku Ogaanaysaa Inta Uu dhanyahay Dhaqaalaha kasoo baxay Cashuurtani sharci darada ah Ee Shacabka lasaaray?

T. Maxay Dawladu Qiime Go’an Uga yeelan weyday Cashuurtani haddiiba ay Dawladu ku amartay In Shacabka lasaaro?

* Xalku Muxuu Noqon karaa

Waxaan kusoo Gebagabeynayaa Qoraalka Qodobadan Oo aan U arko inay Noqon karaan Xal iyo Tallooyin Muhiim U noqon kara Dawlada iyo Shirkadahaba

·Waa In Cashuuraha Dawladu Ay Soo rogtaa lahaadaan qiime Sugan.

·Shirkadaha Bixiya Adeegyada kala duwani Waa in aanay Cashuurta dalku ku leeyahay Dulsaarin Macaamiisha isticmaasha Adeegyadooda.

·Wasaarada Maaliyadu Waa in aanay Baalmarin Sharciyada Cashuuraha Dunida U yaala iyo Xeerarka Cashuuraha Ee dalkeena.

·Shirkada Adeegoodu xidhan yahay waa in aanay Shacabka Culays dhaqaale saarin.

·Shacabku Waa inay Bixiyaan Cashuuraha Sharciyeysan Ee dalku ku leeyahay Oo kaliya.

·Shacabku Waa inay ka hadli karaan waxay xaq ugu leeyihiin Dawlada iyo Shirkadahaba.

Allaa Mahad leh

Sakariye Cabdikariim Maxamuud