Xoghayihi Arrimaha Debedda ee Xisbiga WADANI oo Xilkiisii u iska casilay Dib ugu so noqday Kadib markii Madaxweynuhu Diiday inu ka mid noqdo komishanki uu xilkiisa isaga casilay marki hore

0
Friday October 24, 2014 - 20:23:11 in by salman abdi
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayihi Arrimaha Debedda ee Xisbiga WADANI oo Xilkiisii u iska casilay Dib ugu so noqday Kadib markii Madaxweynuhu Diiday inu ka mid noqdo komishanki uu xilkiisa isaga casilay marki hore

    Shir ay xarunta Xisbiga WADDANI ay ku yeesheen hogaanka Xisbiga maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka October 2014-ka,waxay dib u eegis iyo qiimayn ay ku sameeyeen,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir ay xarunta Xisbiga WADDANI ay ku yeesheen hogaanka Xisbiga maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka October 2014-ka,waxay dib u eegis iyo qiimayn ay ku sameeyeen,

asbaabaha uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u cuskaday diidmada in uu xubin ka noqdo Komishanka Doorashooyinka Dr:Maxamed Cismaan Fadal .


Hogaanku waxaa uu ku qancay 

-in uu Dr:Fadal buuxiyey dhamaanba shuruudihii laga rabay

-in uu yahay aqoonyahan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba si wayn looga yaqaano.

-in uu xilal kala duwan oo mid dawli ah iyo mid aan dawli ahaynba uu ka soo qabtay Somaliland

-In uu yahay muwaadin karti badan,aqoon badan,wax wayna ku tari lahaa gudida Doorashooyinka Qaranka

-in sifo sharciga ka baxsan uu madaxweynahu ugu diiday in uu qabto xilkaas.


Waxaa hogaanka xisbigu uu ka codsaday Dr:Fadal in uu ka noqdo iscasilaadii,lana soo noqdo xubinimadii Xisbiga,taasna waa uu aqbalay.

Sidaas daraadeed waxaa hogaanku isku waafaqay in loo soo celiyo xubinimadii golaha dhexe iyo gudida fulinta .

Waxaa kale oo loo magacaabay Dr:Maxamed Cismaan Fadal in uu buuxiyo Jagada xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga WADDANI laga bilaabo taariikhda maanta 18/10/2014-ka.

 


Alla-Mahadleh


Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI<