Jeneraal Qasem Soleimani oo maanta la aasayo

0
Tuesday January 07, 2020 - 10:29:43 in by salman abdi
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Qasem Soleimani oo maanta la aasayo

    Jeneraal Qasem Soleimani oo maanta la aasayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeneraal Qasem Soleimani oo maanta la aasayo

Waxaa maanta la filayaa in Koonfurta bari ee dalka Iran lagu aaso Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa ciidamada Quds ee Iran, kaas oo uu Mareykanka ku dilay duqeyn dhanka cirka ah.

Wakaaladda wararka ee ISNA ee Iran ayaa kusoo warrantay in meydka Jeneraal Qasem Suleimani la geeyay magaalada uu kasoo jeedo ee Kerman, halkaasi na lagu aasi doono maanta oo talaada ah.

Aaska Jeneraalkan ayaa lagu wadaa in ay kasoo qeybgalaan dad aad u tira badan oo uu kamid yahay hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatullahi Cali Khumanein, Madaxaweynaha Iran, Xassan Ruxaani iyo mas'uuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale maanta ku eg saddexdii cisho ee baroordiiqda ahayd ee loo sameynayay Qasem iyo dadkii kale ee lala dilay.

Inkastoo aan la ogeyn tallaabada xigta ee ay Iran qaadi doonto, si ay Jeneraalka ugu aarguddo ayaa haddana maalin kahor, waxaa lataliyha arrimaha milateriga ee hogaamiyaha ruuxiga ee Iran uu sheegay in tallaabada xigta ee laga fili karo Iran ay tahay in ay si toos u bartilmaameedsato "xarun milateri oo uu Mareykanka leeyahay".


Image captionDad u baroordiiqaya Qasem Suleimani

Lataliye sare Dehghan oo sidoo kale horay usoo noqday wasiirkii gaashaandhiga ee Iran ayaa sheegay in tallaabada xigta ay ka imaan doonta Iran, balse aysan ahayn mid laga sugi doonaa kooxaha taabacsan ee ka dagaalama gobolka.

"Waxaa laga yaabaa in la is yiraahdo tallaabada xigta waa hawgal dadban ah, waxaan leenahay Trump annaga ayaad si toos ah inoo soo weerartay, annaga ayaana tallaaba toos ah kaa qaadi doona."

Mareykanka ayaa waxaa bariga dhexe ka jooga ciidamo aad u tira badan, kuwaas oo kala joogaa dalalka Ciraaq, Sacuudiga, Urdun, Kuwait, Qatar, Imaraatka iyo Turkiga, waxaana dalka Ciraaq oo keliya ka jooga ciidan gaaraya shan kun oo askari.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twiter-ka ku qoray "in haddii Iran ay weerarto saldhigyada Mareykanka ama muwaadin Mareykan ah uu dalkiisa uga jawaabi doona hubka casriga ah ee uu heysto!"

Hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatullah Cali Khumanein oo ilmeynayay xilli uu ka qeybgalayay baroordiiq loo sameynayay Qasem ayaa sheegay in Iran ay u aargudi doonto Jeneraalka la dilay.