War Deg Deg Ah:-Jeneraalka cusub ee badelay Qasem Soleimani Oo Hada La Magacabay.

0
Wednesday January 08, 2020 - 13:39:24 in by salman abdi
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Jeneraalka cusub ee badelay Qasem Soleimani Oo Hada La Magacabay.

    War Deg Deg Ah:-Jeneraalka cusub ee badelay Qasem Soleimani Oo Hada La Magacabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Jeneraalka cusub ee badelay Qasem Soleimani Oo Hada La Magacabay.

Maalma kahor markii Mareykanka uu gudaha dalka Ciraaq ku dilay Jeneraal Qaasim Suleymaani, waxaa xilkii uu hayay loo magacaabay Jeneraal Ismaaciil Qaani kaas oo hadda noqonaya madax ciidanka Qudus.

Qaani wuxuu sannadkii 1957-dii ku dhashay gobolka Mashad ee waqooyiga bari ee dalka Iran. Waa magaalada labaad ee ugu dadka badan Iran, sidoo kalena waa meel ay siyaartaan dadka shiicada ah.

Wuxuu sannadkii 1980 ku biiray ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran, wuxuuna ka qeyb qaatay dagaalkii 1980-1988 dhexmaray dalalk Iran iyo Ciraaq.

Markii uu ku biiray ciidanka Qudus, waxaa la geeyay gobolka Khorasan ee Iran oo ku yaalla xuduud dalalka Afghanistan iyo Turkmenistan.

Waxbadan laga ma oga howlihii uu qaban jiray, wuxuuna inta badan diiradda saari jiray arrimaha gudaha dalka Iran oo ay ka mid tahay kahortagga daroogada la geliyo dalkaas iyo gacan siinta kooxaha kasoo horjeeda ururka Taliban.

Waxaa kale oo la sheegay in uu qaabilsanaa arrimaha maamulka ee ciidanka Qudus.

Sannadkii 2012, waxaa cunaqabateyn kusoo rogay Dowladda Mareykanka oo ku eedeysay in dhaqaale uu ku bixiyo hawgallada ciidanka Qudus ee ay ka fuliyaan caalamka.

.
Image captionKumannaan qof ayaa isugu soo baxday aaskii Qaasim Suleymaani ee shalay

Suleymaani waxaa la aaminsan yahay in uu ka shaqeeyay xoojinta galaangalka Iran ay ku leedahay bariga dhexe, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq, Lubnaan iyo Yaman.

Haseyeeshee caqabadda ku horgudban Ismaaciil Qaani waxay tahay, sidii uu uga soo dhalaali lahaa shaqadii uu hayay nin ay shacabka Iran u arkayeen "geesi iyo halyey dagaal" kaas oo saameyn badan lahaa.

Qaani wuxuu ballan qaaday in uu wax ka qaban doono dilka Qaasim Suleymaani.

Markii uu ku dhawaaqayay magacaabista Jeneraal Qaani, hogaamiyha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Khamenei, wuxuu sheegay in aanan waxba laga badeli doonin qorshaha ciidanka Qudus.

Inkastoo wali ay su'aal ka taagan tahay in Qaani u yeelan karo saameyn la mid ah midda Suleymaani, haddana qaar ka mid ah dadka darsa arrimaha bariga dhexe waxay aaminsan yihiin in saameynta ciidanka ilaalada kacanka ee Iran ay ka sareyso shakhsiyaad keli ah.

"Way adag tahay in Qaani la barbar dhigo astaamihii hoggaamiyenimo ee uu lahaa ninkii isaga ka horeeyay", ayuu yiri Ali Alfoneh, oo katirsan machadka Arab Gulf ee Magaalada Washington.

Wuxuu intaa raaciyay in dilka Qaasim Suleymaani ay saameyn ku yeelan doonta ciidanka Qudus oo uu inbadan la falgalay howgaladooda, balse aanay u dhutin doonin.