Puntland oo kasoo horjeesatay sharciyada doorashooyinka iyo batroolka Soomaaliya

0
Thursday January 09, 2020 - 16:11:29 in by salman abdi
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo kasoo horjeesatay sharciyada doorashooyinka iyo batroolka Soomaaliya

    Puntland oo kasoo horjeesatay sharciyada doorashooyinka iyo batroolka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo kasoo horjeesatay sharciyada doorashooyinka iyo batroolka Soomaaliya Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan sharciga batroolka Soomaaliya oo dhawaan ay meel mariyeen labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Deni, ayaa tilmaamay inayan ka aamusidoonin qaladaad uu tilmaamay inay dowladda federalka faraha kula jirto, sheegayna inay qoraal rasmi ah kasoo saaridoonaan arrintaas.

Deni waxa uu sheegay in khilaafka hadda taagan in uu salka ku hayo, iyadoo xukuumada federalku diidan tahay in laga wada tashado sharciyada masiiriga ah ee dalka lagu maamulayo.

"Waxaan ka digaynaa mar labaad in ay soo laabato hal hayskii ahaa loo joojin maayo. Dalka waa lawada leeyahay, waxaana ugu baaqaynaa masuuliyiinta Soomaaliya inay talada dalka wax ka siiyaan dadka wax ka dhistay," ayuu yidhi madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay kasoo horjeestay sharciga doorashooyinka qaran, isagoo tilmaamay in la baal maray hannaankii wadatashiga ahaa ee la doonayay in dalka lagu gaarsiiyo doorashooyin qof iyo cod ah laguna ilaaliyo midnimada guud ee Soomaaliya.

Wuxuu uu u mahad celiyay senatarada aqalka sare ee kasoo jeeda Puntland, isagoo ku ammaanay tilaabadii ay bannaanka uga baxeen meelmarintii sharciga batroolka.