"Sool Iyo Sanaag Waxay Puntland Uga Mid Yihiin, Sida Garoowe Oo Kale" Madaxwaynaha Puntland
Madaxwaynaha Maamulka Puntland, Dr. Cali weli Gaas oo safar ku jooga Magaalada London, ayaa sheegay in Sool, Sanaag iyo Cayn ay Puntland uga mid yihiin sida Garoowe u tahay Puntland.
Dr. Gaas oo wareysi siiyey Telefiishanka Universal, ayaa sidoo kale sheegay inuu ku kalsoon yahay in dadka dhulkaasi degaa ay Puntland noqonayaan haddii afti laga qaado, sidaa daraadeedna aanay marnaba ogolaaneyn in Somaliland xoog ku haysato buu yidhi.
Madaxwayne Gaas oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Dastuurka Puntland ee aan ku dhaartey Markii Madaxwaynaha la ii doortey waxa ku qoran in Puntland ka kooban tahay 8 gobol, markaa sida Garoowe, Boosaaso iyo Qardho uga mid yihiin Puntland ayay gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn uga tirsan yihiin Puntland, siyaasadda Puntland-na waa sidaasi, haddii la yidhaahdo hala hubiyo oo afti ha laga qaado dadka Sool, Sanaag iyo Cayn, maadaama oo Somaliland sheeganeyso, waxaan hubaa inay 90% Puntland noqonayaan, shakina igagama jiro”
Gaas oo la waydiiyey waxa ay Somaliland iyo Maamulkiisu xal uga gaadhi la’yihiin khilaafka ka dhexeeya, ayaa ku jawaabay "Haddii qofku kugu qabsado shaadhkaaga oo uu haddana yidhaahdo nabad-baan rabaa, nabaddu ku iman mayso sidaasi, laakiin waxay ku imanaysaa marka nin walba dhulka uu leeyahay iimaansado, laakiin haddii aad mar walba dhul aanad lahayn xoog ku tageyso oo aad rabto inaad dagaal ku hesho, ciddaasi nabad ka shaqeyn meyso. Annagu waxaanu rabnaa in nabadda iyo Soomaalinimada laga wada shaqeeyo, laakiin marna ma ogolaaneyso in dhulkeeda in cid kale xoog ku haysato, sida maalintii dhaweyd ee ay gobollada qaarkood ku soo xad-gudbayeen (Somaliland), taasi lama ogolaan karo” ayu yidhi
Contact@afkashacabka.com
"Sool Iyo Sanaag Waxay Puntland Uga Mid Yihiin, Sida Garoowe Oo Kale" Madaxwaynaha Puntland
Madaxwaynaha Maamulka Puntland, Dr. Cali weli Gaas oo safar ku jooga Magaalada London, ayaa sheegay in Sool, Sanaag iyo Cayn ay Puntland uga mid yihiin sida Garoowe u tahay Puntland.