Kheyre iyo James Swan oo ka wada hadlay sharciga Doorashooyinka Qaranka
Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay uga wada hadleen arrimaha Doorashooyinka ku soo foolka leh dalka
Kheyre ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Qaramada Midoobey taageeradeeda Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin arrimaha amniga iyo doorashooyinka.
Ergeyga Qaramada Midoobey James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay sii wado doonto taageerada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha.
Sanadkan 2020 iyo horraanta sanadka 2021 ayaa la filayaa inay dalka ka dhacaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxtooyada, iyadoo Beesha caalamka ay wadaan xaqiijinta sidii doorasho dalka uga dhici laheyd.
Golaha Shacabka ayaa dhawaan meel mariyay sharciga Doorashooyinka iyadoo dhinaca kalana la horgeeyay xildhibaannada Aqalka sare sharciga oo la filayo in dhankooda ay meel mariyaan.
Kheyre iyo James Swan oo ka wada hadlay sharciga Doorashooyinka Qaranka
Kheyre iyo James Swan oo ka wada hadlay sharciga Doorashooyinka Qaranka