Faallo:-Cabdiraxmaan Cirro Iyo Faysal Cali Maxaa la gudboon.

0
Thursday January 16, 2020 - 13:55:38 in by salman abdi
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Cabdiraxmaan Cirro Iyo Faysal Cali Maxaa la gudboon.

    Faallo:-Cabdiraxmaan Cirro Iyo Faysal Cali Maxaa la gudboon.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Cabdiraxmaan Cirro Iyo Faysal Cali Maxaa la gudboon.
Labadda hoggaamiye mucaarid ee WADDANI iyo UCID Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa ay labaddii Sannadood ee la soo dhaafay in ku dhaw toddobaatan jeer ayay kulamo la qaateen Madaxweynaha Somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi, waxaanna kulamaddaas lagu raaddinnaayay is af-garad iyo is faham in loo hello khilaafkii cakirnaa ee ka dhashay dalabkii ka yimid Xisbiga WADDANI ee ahaa kala dirrista Komishankii hore, taasoo qaadatay muddo laba sannadood ah.
Image result for Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe
 


Deddaalkasta iyo tannaasulkasta oo la sameeyay si looga baxo khilaafka iyo muranka ma dhalayska ah, isla markaanna hore loogu socdo hawsha Doorashooyinka ee dib u dhaca badani ku yimi dhawrka jeer. Siddoo kalena hawlaha qaranka qabyadda badan ee qaranka si wada-jir ah loo dhaqaajiyo, balse deddaaladaas waxa xagal-daaciyay oo markasta sida muuqata halkii laga yimi ku cellinaaya Kornaylka madaxa adag waa Madaxweynaha Somaliland'e.

Labaddii Sannadood ee la soo dhaafay Shacabka Somaliland waxa ay ku jireen xaalad iyo duruufo adag oo dhankasta leh. Siddoo kalenna waxa ay ku jireen Madaxweyne weerar ah iyo labadda hoggaamiye mucaarid oo difaac ku jira, taasoo niyad-xumaan iyo qalbi jab ku ridday Ummadda reer Somaliland ee la ildaran sabboolnimadda, Shaqo la'aanta, Biyo la'aanta IWM.

Haddaba, maxaa la gudboon Guddoomiyeyaasha labadda Xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), maaddaama ku dhawaad toddobaatan kulan ay la qaateen Kornaylka hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi, kuwaasoo ku dhammaadday natiijo la'aan, iyaddoo kulankasta waxa lagu heshiiyo uu ku balan-furraayo Muuse Biixi, waxaanna u danbeeyay kulankii qabsoomay 13-kii bishan aynu ku jirno oo Madaxweynuhu uu la shir yimid wax aan looma fadhiyin iyo murran hor leh. Qabyo waa halkeeddii.!

Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe waxa la gudboon inaanay xaaladdan dalka iyo dadka ku sii eeggan, waxaanna loo baahan yahay inay go'aan adag ka qaataan Xukuumadda Kornaylka madaxa adag ee Muuse Biixi, iyagoo kalsoonida kala noqonnaaya, maaddaama aannay jirin wax lagaga talo-gallaayo hoggaamiyaha aan tixgelinta siinnin balanka iyo heshiisyadda labaddaba. Siddaa si la mid ahna waa inay ummadda iyo adduunkaba u sheeggaan inay kalsooniddii kala laabteen Xukuumadda uu hoggaamiyo Kornayl Muuse Biixi Cabdi, haddii ay siddaas yeelli waayaan labadda hoggaamiye mucaarid waa Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirree waxay noqon doonnaan niman u xidhan Kornaylka madaxa adag leh.

Si kastaba ha ahaatee, Shacabka reer Somaliland waxa ay dhawrayaan oo sugayaan go'aannada ka soo baxa kulamadda ay kaga arrinsanayaan Balan-furka iyo murankan ma dhalayska ah ee Kornayl Muuse Biixi.