Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay 15 ka tirsan Dagaalyahannada Ururka Al-shabaab

0
Saturday January 18, 2020 - 08:56:38 in by salman abdi
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay 15 ka tirsan Dagaalyahannada Ururka Al-shabaab

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay 15 ka tirsan Dagaalyahannada Ururka Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay 15 ka tirsan Dagaalyahannada Ururka Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 15 ka tirsan dagaalyahannada Ururka Al-shabaab ku dileen iska horimaad ka dhacay deegaanka Xaaji Cali Degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

 

War ka soo baxay Wasaarradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegayin uu iska hor imaadku dhacay markii ay Ciidanka xoogga ka war heleen weerar ay qorsheynayeen in ay Al-Shabaab kusoo qaadaan fariisimo ay Ciidanku lahaayeen, taas oo sababtay in ay cadowgu ka cararaan Tuulooyinka Geel gub iyo Masjid Cali Guud.

 

"Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qorsheysan si xirfadi ku dheehan tahay, waxaa la burburiyay raacyadiisa hore, waxaana ku gaaray goobta lagu dagaallamay qasaare aad u badan, taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadaan, si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay, Ciidanka waxuu baacsaday cadowga ayaga oo ku celiyay goobahii ay dagaalka ka soo abaabuleena lana sheegay in ay dib uga gurteen kana carareen tuulada Geel gub iyo Masjid Cali Guud-ba,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkaasi ay Ciidanka Xoogga Dalka kaga shahiideen 1 Sarkaal 1 Sarkaal xigeen iyo 2 Askari, halka dhawacana uu gaarayo 3 Asakari.

Qoraalka ayaa geba-gabadii lagu sheegay in CXDS uu had iyo jeer heegan iyo foojignaan ugu jiro ilaalinta kaaramada Shacabka Soomaliyeed, waxeyna si aan ka leex-leexad laheyn u fulinayaan waajibaadka dagaal ee ay Madaxda Qaranka siisay, si loo difaaco kaaraamada sharafka iyo Madax bannaanida Qaranka.