Qaramada Midoobay Oo Ku Soo Biirtay Dhexdhxaadinta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
Saturday January 18, 2020 - 13:46:06 in by salman abdi
  • Visits: 381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Ku Soo Biirtay Dhexdhxaadinta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya

    Qaramada Midoobay Oo Ku Soo Biirtay Dhexdhxaadinta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay Oo Ku Soo Biirtay Dhexdhxaadinta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey Danjire James Swan uu farriin gaar ah gaadhsiiyey madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Wasaaradda ayaa warkan ku sheegtay warbixinta toddobaadlaha ah ee ‘Week In the Horn’ oo ay wasaaradu soo saarto jimce kasta, waxaanay sheegtay in James Swan, oo 10-kii bishan Jeenaweri booqasho ku yimid Somaliland uu madaxweynaha u sheegay farriin sheegaysa in Qaramada midoobey ay taageerayso hindise ujeedadiisu tahay; in kalsooni laba geesood ah laga dhex abuuro Somaliland iyo Soomaaliya,Isla markaana la dhiirrigeliyo wada hadalladii u dhexeeyey labada dhinac.

 

 

 

Warbixin ay wasaaraddu kaga warramaysay xaaladihii u dambeeyey ee gobalka Geeska Afrika, ayaa waxay ku sheegtay in ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobey uu sida oo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi gaadhsiiyey, in Qaramada Midoobay ay soo dhoweynayso hindiseyaashaas lagu dhisayo kalsoonida labada dhinac iyo wada hadallo ay bilaabaan Hargeysa iyo Muqdisho.

 

 

 

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey ayaa warsaxafaadeed uu soo saaray intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxa uu kaga hadlay isla arrintan, laakiin tafaasiil kama uu bixin hindisaha wadahadallada cidda wadata iyo waqti cayiman oo la fili karo in ay bilowdaan, sida oo kale ma’ uu sheegin in Qaramada midoobey ay iyadu wadahadallada dambe maamuli doonto.