Ciidamada dowladda oo sheegay in ay ka hortageen weerar uga yimid Ururka Al-shabaab

0
Saturday January 18, 2020 - 14:04:55 in by salman abdi
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo sheegay in ay ka hortageen weerar uga yimid Ururka Al-shabaab

    Ciidamada dowladda oo sheegay in ay ka hortageen weerar uga yimid Ururka Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda oo sheegay in ay ka hortageen weerar uga yimid Ururka Al-shabaab

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska difaaceen sida ay hadalka u dhigeen weerar dhowr jiho uga yimid oo ay Ururka Al-shabaab ku soo qaadeen fariisimahooda degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

 

Saraakiisha ayaa sheegay in gaar ahaan weerarkan lagu bartilmaameedsaday Koontaroolo ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Mukeyga oo ka tirsan degmada Afgooye iyadoo halkaa uu dagaal caulus ku dhaxmaray xoogaggii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda.

 

Sidoo kale Al-shabaab ayaa weeraray Buundada yar ee kala qeybisa xaafadaha 21 October iyo Dhagaxtuur ee degmada Afgooye.

Weerarkan oo dhacay xalay ayeey Al-shabaab dhankooda sheegteen in waqti kooban la wareegeen gacan ku heynta guud ahaanba degmada, laakiin waxaa sheegashadaas beeniyay maamulka degmada Afgooye oo dhankooda sheegay in leysku caabiyay xoogaggii degmada soo weeraray.

Degmada Afgooye ayaa ka mid ah meelaha bartilmaameedka u ah inta badan dagaalyahannada Al-shabaab oo dhowr jeer oo hor sidan oo kale gudaha ugu galeen.