Somaliland oo Itoobiya Ku Wareejisay Gaadhi la soo Dhacay
Taliyaha qaybta booliska gobolka Hawd gaashaanle dhexe Maxamed Xuseen Cali ayaa ku wareejiyey gaadhi Shaanbooya oo dhanka xadka Somaliland ee Baligubadle loola soo baxsaday taliyaha degmadda Xarshin Dhamme Daahir Ciise Aadan.
Gaadhigan waxaa saarna laba Taangi oo nooca biyaha lagu shubta ah, waxaana si nabadgelyo ah loogu wareejiyey hoggaanka nabadgelyadda ee degmadda Xarshin iyo xubno kale oo ku wehelinayay baadigoobka gaadhigaas.
Dhankiisa waxaa ciidamadda booliska Somaliland uga mahad celiyey sida feejignaanta leh ee ay gacanta ugu dhigeen gaadhigaas iyo wixii saarnaba oo uu xusay in ay muddo daba socdeen.
Anigo taliyihii qaybta ah waxaan doonayaa inaan ku wareejiyo maamulkii Itoobiya oo uu ka mid yahay hoggaanka nabadgelyadda Cabdi Xasan Kaahin, guddoomiyaha qabaleyga ee Cali Sagal iyo gudgoomiye ku xigeenka waxaa kale oo aan furihii iyo qalabkii laga soo qaatay aan doonaya in aan ku wareejiyo taliyaha degmadda Xarshin Dhamme Daahir Ciise Aadan”
Taliyaha degmadda Xarshin Dhamme Daahir Ciise Aadan ayaa ciidamada booliska Somaliland ku ammaanay sida wanaagsan ee ay uga hawlgaleen inay gacanta ku dhigaan gaadhigaas oo in muddo ah la daba socday waxaanu yidhi. "Gaashaanle dhexe Maxamed Xuseen Cali aad iyo aad ayaan kugu mahad celineynaa sida kalsoonidda leh ee aad wax noogu soo qabateen, oo ah laba Taangi iyo Tuugi soo dhacayba xidhiidhka iyo wanaaga iyo wada shaqeynta aynu laheyn awgeed”
Somaliland oo Itoobiya Ku Wareejisay Gaadhi la soo Dhacay
Somaliland oo Itoobiya Ku Wareejisay Gaadhi la soo Dhacay