"Cabdiraxmaan Kuwan Eedaynayaana Waa In Ay Wax Cad Keenaan, Isna Waa In Uu Joojiyaa Xaskan Uu Isku Mar Marayo"Dawo:Jamac Shabel

0
Saturday October 25, 2014 - 18:28:45 in by Super Admin
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cabdiraxmaan Kuwan Eedaynayaana Waa In Ay Wax Cad Keenaan, Isna Waa In Uu Joojiyaa Xaskan Uu Isku Mar Marayo"Dawo:Jamac Shabel

    Gudoomiyaha golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa sheegay inaan xukuumada somaliland waxba kaga qabyo ahayn dhammaanba qodobadii looga baahnaa inay fuliso si ay doorashooyinku wakhtigooda ugu dhacaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa sheegay inaan xukuumada somaliland waxba kaga qabyo ahayn dhammaanba qodobadii looga baahnaa inay fuliso si ay doorashooyinku wakhtigooda ugu dhacaan.


Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa kale oo uu ka war bixiyey khilaafka haatanka taagan golaha wakiilada, waxaanu gudoomiyaha wakiilada u soo jeediiyey inuu meesha ka saaro xurgufta taala.

Ugu horayn gudoomiye Jaamac Shabeel oo ka hadlaya sida ay xukuumadu u diyaarisay qodobadii looga baahnaa ee doorashooyinka ayaa waxa uu yidhi "Doorashada hawsheeda inta badan anaga ayaa iska leh, waxna baarlamaanka ayaa leh waxna deeq bixiyayaasha ayaa leh, sadexdaas qolana marka ay wada shaqeeyaan ee qolo waliba ay ka soo baxdo wixii dhinaceeda ah ayey doorashadu ku qabsoomaysaa wakhtigeeda, marka aan leeyahay baarlamaanka ayaa wax leh, cabdiraxmaan Cirro oo gudoomiyaha xisbiga Waddani ah ayaa badh leh, ansixinta guddida doorashooyinka wakhtiga loo soo gudbiyey waa laga war hayaa walina lama ansixin oo isaga ayaa haya, xeerkana isaga ayaa ah xukuumaduna goorta ay soo gudbisay waa la og yahay, wax hawl ah oo imika xukuumada ku laaban oo doorashada khuseeya oo habsan ku ah xaga xukuumadu ma jiro.

Sidoo kale waxa uu gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ugu baaqay inuu dhinac iskaga leexiyo eedaha loo soo jeediyo waxaanu yidhi "Cabdiraxmaan waa la eedaynayaa kuwa eedaynayaana waa inay wax cad keenaan isna waa inuu joojiyaa xaskan uu isku mar marayo iyo meelahan kale ee uu kula gal galanayo wax aan waxba ka jirin iyo eedaynta beenta ah, madaxweyne ku xigeenka gurigiisa haddii ay fadhiisteen gurigiisa yaa u diidaya madaxweyne ku xigeenku waa nin Kulmiye ah raga fadhiistayna waa rag kulmiye ah, habeen iyo maalina way wada fadhiyayaan waanay fadhi doonaan.”

Gudoomiye Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Adiga ayaa golaha gudoomiye ka ah waxan laga cabanayo soo fadhiisi golaha, xeerka aad gudbisay soo dhig, Minutes-kii golahana soo dhig, haddii aad wax ku dartay ka noqo socon waydee, haddii aanad waxba ku darina qanci umada laakiin haysku qaadin marba xas iyo gidaar kale.”ayuu yidhi gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel 




Contact@afkashacabka.com