Trump oo 'xayiraad dhanka socdaal ah kusoo roggayo dalal Afrikaan ah'

0
Wednesday January 22, 2020 - 10:12:45 in by salman abdi
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo 'xayiraad dhanka socdaal ah kusoo roggayo dalal Afrikaan ah'

    Trump oo 'xayiraad dhanka socdaal ah kusoo roggayo dalal Afrikaan ah'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo 'xayiraad dhanka socdaal ah kusoo roggayo dalal Afrikaan ah'

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in afar dal oo Afrikaan ah uu kusoo roggo xayiraad dhanka socdaalka ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Waxaana la filaya in afarta dal ee uu Trump kusoo roggayo xayiraadda socdaalka ay kala yihiin Nigeria, Tanzania, Suudaan iyo Eritrea, sida laga soo xigtay warbaahin dhowr ah oo ka howlgalo Mareykanka kuwaas oo la hadlay dadka soo arkay liiska.

Madaxweyne Trump oo wareysi siinayay Jornaalka Wall Street Talaadadii ayaa xaqiijiyay inuu ka baaran degayo in dalalka qaar uu ku dari doono liiska waddamada uu xayiraadda dhanka socdaalka ah kusoo roggay balse wuxuu diiday inuu shaaca ka qaado magacyada dalalkaas.

Warbaahinta ayaa sidoo kale ku warrantay in liiska dalalkaas laga doodayo isla markaasna laga yaabo in toddobaadka dambe shaaca laga qaado.

Bishii September ee sannadkii 2017-kii, madaxweyne Trump ayaa ayaa xannibaad dhanka safarka ah kusoo roggay muwaadiniinta dalalka kala ah Iiraan, Libya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Waxaana xayiraddaas horistaagtay maxkamadda ku taalla Mareykanka inkasta oo bishii June ee sannadkii maxkamadda sare ay ayidday arrintaas.