"Wasiir Ku Dhiiraday Dhaliilaha Xukuumada Iyo Cabsi Laga Qabo Inuu Xilkiisa Waayo"
Cabdirashiid Qambi Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guriyeynta Somaliland Oo Su,aalo Lagu Weydiiyey Barnaamijka Hal-adayg Ayaa Xukuumada Gunay Hadlo Xanaf Leh Iyo Dhaliilo Is-barkan.
Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Waxa Uu Sheegay in Xukuumada Uu Ka Tirsan Yahay Dayacday Gobolka BUUHOODLE Taas Oo Sababtay Inay Buuhoole Marti Geliso,Siyaasada Guracan Ee Dawlada Xamar,Puntland Iyo Jabhado Cusub Oo Gobokaasi Lagaga Dhawaaqay
Hadalada Kasoo Yeedhay Wasiir Qambi Ayaa U Muuqda Inuu Ka Rajo Dhigay Kamid Ahaanshaha Xukumada Madaxweyne Biixi,Maadama Oo Hore Looga Baran Masuuliyiinta Xilalka Haya Inay Ku Dhiiradaan Dhaliilaha Iyo God-daloolada Xukuumada Ay ka Tirsan Yihiin.
Wasiirka Ayaa Sheegay Tan Iyo Wakhtigii Ay Dhalatay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Uu Bilaamay Dhul Boob Xoogan Kaas Oo Lagu Hayo Dhulka Danta Guud,
Sidoo Kale Mar Wax Laga Weydiiyey Wasiir Qambi,Muran Dhuleed Oo U Dhexeeya Qoyska Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Dad Shacaba,Waxaa Uu Tibaaxay In Dhulkaasi Asalkiisu Ahaa Mid Dawladeed,Waxaanu Intaas Raciyey Inaanu Filayn In Qoyska Madaxweynuhu Aanay Ka Tanaasulayn Khilaafka Dhulka Ay Isku Hayaan Dadka Shacabka,
Hadalada Kasoo Yeedhay Wasiirka Hawlaha Guud Ayaa Siweyn Bulshadu Ugu Qaada Dhigtay Social Midea Gaar Ahaan Facebooga,Kuwaas Oo Ka Bixiyey Aragtiyo Kala Duwan.
Waxaaanay Dad Badani Ku Sifeeyeen In Wasiirku Yahay Socod Isla Markaana Bedelkiisu Miiska Saaran Yahay Taas Oo Keentay Inuu Ku Dhiirado Dhaliilaha Xukuumada,Halka Aragtiyo Kalana Muujinayaan In Wasiirku Yahay Mid Isku Kalsoon Cabsina Ka Qabin Inuu Xilkiisa Waayo
"Wasiir Ku Dhiiraday Dhaliilaha Xukuumada Iyo Cabsi Laga Qabo Inuu Xilkiisa Waayo"
"Wasiir Ku Dhiiraday Dhaliilaha Xukuumada Iyo Cabsi Laga Qabo Inuu Xilkiisa Waayo"