Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhexqarxay Maamulka Puntland Iyo Xukumadda Madaxweyne Farmaajo + Maxaa Laysku Haystaa

0
Saturday January 25, 2020 - 13:53:46 in by salman abdi
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhexqarxay Maamulka Puntland Iyo Xukumadda Madaxweyne Farmaajo + Maxaa Laysku Haystaa

    Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhexqarxay Maamulka Puntland Iyo Xukumadda Madaxweyne Farmaajo + Maxaa Laysku Haystaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhexqarxay Maamulka Puntland Iyo Xukumadda Madaxweyne Farmaajo + Maxaa Laysku Haystaa

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa mar kale dab ku shidaykhilaafka waxbarashada ee ka dhexeeya dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland.

 

Wasiirka waxbarashadaoo wareysi siinayay BBC, ayaa si cad u sheegay Puntland haddii aysan ka qeyb galin imtixaanka dowladda
federalka in ardaydooda aan lasiindoonin wax shahaado ah.

 

Hadalka wasiir Goodax ayaa muujinaya inuu burburay dhexdhexaadintii aqalka sare ku doonayay inuu kudhameeyo khilaafka waxbarashada. "Puntland waa inay ummadda Soomaaliyeed la mid noqotaa oo imtixaankala galaan oo shahaadada la qaataan, haddii kale ha isku tashadaan.” Ayuu yidhi wasiir Goodax Barre.

 

 

Maamulka Puntland ayaa dhawaan sheegay in shan kun oo arday ay dowladda federalka sannadkii hore u diidayshahaadooyinkii ay xaqa ulaahaayeen si ay jaamacaddaha ugu biiraan. Puntland waxay ku eedeysay dowladdafederalka inay dagaal kula jirto nidaamka waxbarashada ayna qoraalo u dirtay wadamo badan oo Puntland siiyadeeqo waxbarasho, si looga joojiyo.

 

Khilaafka dhinaca waxbarashada ayaa soo bilowday horaantii sanadkii hore, kadib markii Puntland ay sheegtayin ay ka qeybgalidoonin imtixaanka midaysan ee shahaadiga ah ee dowladda federalka maamulaysay