Taliyaha Guud ee ciidamada AMISOM oo booqday gobolka Jubbada Hoose

0
Saturday January 25, 2020 - 14:04:21 in by salman abdi
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Guud ee ciidamada AMISOM oo booqday gobolka Jubbada Hoose

    Taliyaha Guud ee ciidamada AMISOM oo booqday gobolka Jubbada Hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Guud ee ciidamada AMISOM oo booqday gobolka Jubbada Hoose

Taliyaha Guud ee ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa booqday qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM

 

 

Gaar ahaan Gen. Tigabu Yilma Saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degmada Dhoobley oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, isaga oo halkaa kulamo kala duwan kula qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugnaa saldhigyadaa.

 

 

Saraakiisha ayuu kala hadlay xaalada Nabad-galyo ee gobolka iyo howlgalada militari ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab, iyadoo la og yahay in gobolku ka mid yahay meelaha ay ku xooggan yihiin Ururka Al-shabaab.

Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya ayaa ku sugan degaano ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaa oo inta badan weerarro kala kulmay dagaalyahannada Ururka Al-shabaab.