Puntland oo shaqadii ka cayrisay taliye ciidan mid cusubna magacowday

0
Tuesday January 28, 2020 - 12:54:07 in by salman abdi
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo shaqadii ka cayrisay taliye ciidan mid cusubna magacowday

    Puntland oo shaqadii ka cayrisay taliye ciidan mid cusubna magacowday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo shaqadii ka cayrisay taliye ciidan mid cusubna magacowday
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ,Axmed cilmi Cismaan Karaash ayaa taliye cusub u magacaabay taliska ciiddanka booliiska gobolka Cayn ee magaalo madaxdiisu ay tahay Buuhoodle.

Waxaa xilkaan loo magacaabay gaashaanle dhexe Jaamac Saxardiid Barre oo horey uga tirsanaa saraakiisa ciidanka Puntland.

Puntland waxay xilkaan ka qaaday G/sare Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu), oo dhawaan lagu xiray magaalada Garowe, kadib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay amar diido.

Dhawaan, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sidoo kale taliye ciiddan booliis u magacaabay gobolka Sool, waxaana loo magacaabay xilkaas G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse

Gobolka Sool badi waxaa maamula oo uu gacanta ugu jiraa maamulka Somaliland. Oo muddo ku dhow 15 sano kahor kala wareegay Puntland.

Halkaan hoose ka aqriso warqada magacaabidda