Xaalada Galmudug Beesha Caalamka oo Baaq Ka Soo Saartay Doorashooyinka.
Beesha Caalamka oo war ka soo saartay goordhow xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda gobolka ka taagan kadib bilo ay socdeen dadaalo lagu doonayo in lagu dhiso maamul mid ah oo loo dhan yahay.
"Dhammaan qaybaha kala duwan ay khuseeyaan arrimaha Galmudug waa inay xoogga saaraan sidii loo heli lahaa hab xasiloon oo lagaga fogaan karo xaalad walba oo keeni karta xasilooni darro, wax walbana lagu dhameeyo ka wada qayb ahaansho iyo tanaasul,” ayaa lagu yiri qoraalka.
"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso arrimaha Galmudug in ay fikradaha kala duwan ku xaliyaan wadahadal wakhti walba oo uu arrinkan qaatana lala sugo,”ayaa lagu yiri qoraalka.
Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in dhamaan dhinacyada ay khusayso doorashada Galmudug sida guddoonka baarlamanka Galmudug, musharaxiinta madaxweynaha, Ahlu-Sunna Waljamaaca, saamileyda ku shirsan Gaalkacyo iyo wakiilada dawladda federaalka in ay qaataan nidaam cad oo loo wada dhan yahay.
Wadamada iyo hay’adaha caalamiga ah ee qoraalkan soo saaray waxaa ka mid ah Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Djibouti, Midawga Yurub, Finland, Jarmalka, Ururka IGAD, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Sudan, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Maraykanka.
Xaalada Galmudug Beesha Caalamka oo Baaq Ka Soo Saartay Doorashooyinka.
Xaalada Galmudug Beesha Caalamka oo Baaq Ka Soo Saartay Doorashooyinka.