Waalidiinta ardayda dugsiyada sare oo codsaday in aan la siyaasadayn mustaqbalka carruurtooda

0
Thursday January 30, 2020 - 16:53:17 in by salman abdi
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waalidiinta ardayda dugsiyada sare oo codsaday in aan la siyaasadayn mustaqbalka carruurtooda

    Waalidiinta ardayda dugsiyada sare oo codsaday in aan la siyaasadayn mustaqbalka carruurtooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waalidiinta ardayda dugsiyada sare oo codsaday in aan la siyaasadayn mustaqbalka carruurtooda
Waalidiinta ardayda dugsiyada sare ee Puntland ayaa soo saaray baaq ay uga dalbanayaan dowladda federalka iyo maamulka Puntland in aan siyaasad loo adeegsan xaqa carruurtooda u leeyihiin inay helaan shahaadadooda waxbarsho.

 

Waalidiinta oo Garowe kula hadlay saxaafada ayaa codsaday in si degdeg loogusoo fasaxo ardayda shahaadooyinka ka maqan yihiin islamarkaana aan mugdi la galin dadaalka ay soo wadeen 12 sannadood oo waxbarasho ah.

Waalidiintu waxay ka digeen arintaan haddii ay sii socoto inay keeni karto in ilmahooda ay tahriibaan islamarkaana uu mugdi galo mustaqbalka ay ku taamayeen muddada dheer.

In ka badan shan kun oo arday oo sannadkii hore ka baxday dugsiyada sare ee Puntland ayaa weysan shahaadadii ay tacliinta sare ugu gudbi lahaayeen, wallow qaar kamid ah ay Muqdisho u doonteen kana helay shahaadooyinkoodii.

Khilaafka Puntland iyo dowladda federalka ayaa saameyn ku yeeshay dhinacii waxbarashada ee arrimaha bulshada, taasoo haddii aan xal laga gaarin keeni karta in saameyn ay kusii yeelato addeegyada kale ee bulshada.