Madaxweyne Deni"Soomaaliya meesha arrimaheeda qaloocsan lagatoosin karo waa Kenya"
Madaxweyne Deni"Soomaaliya meesha arrimaheeda qaloocsan lagatoosin karo waa Kenya" Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in Soomaaliya meesha laga toosin karo ay tahay Kenya, isagoo ku ammaanay inay mar waliba u taagan tahay sidii arrimaha Soomaali u hagaagi lahaayeen.
Madaxweyne Deni, ayaa hadalkaan ka yidhi xaflad ka dhacday Nairobi oo isaga lagusoo dhoweynayay ayna soo qaban qaabiyeen siyaasiyiinta Soomaalida ee Kenya.
Waxaa madaxweyne Deni uu tilmaamay inay ka xun yihiin dhibaatada amni ee Kenya kaga timaada xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto, isagoo tusaale usoo qaatay weeraradii dhawaan ka dhacay gobolka Lamu.
"Ceeb ayay nagu tahay in Kenya loogasoo duulo dhinacii aan ka xignay, waana ka tacsiyaynayaa dhibaatadii ka dhacday Lamu,” ayuu yidhi madaxweyne Deni.
Dhinaca kale, madaxweynah Puntland ayaa sheegay in dagaalka fikirka xagjirnimada looga guulaysan in loo adeegsado kobac dhaqaale, islamarkaana shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada la isku xiro danaha bulshada.
Xafladii xalay lagu qabtay Nairobi ayaa waxaa ka dhexmuuqday siyaasiyiin badan oo uu ku jiray raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas.