Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo lagu eedeynayo in ay qasab ku celineyso dhaawacyo aan wali bogsoon

0
Friday January 31, 2020 - 11:12:18 in by salman abdi
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo lagu eedeynayo in ay qasab ku celineyso dhaawacyo aan wali bogsoon

    Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo lagu eedeynayo in ay qasab ku celineyso dhaawacyo aan wali bogsoon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo lagu eedeynayo in ay qasab ku celineyso dhaawacyo aan wali bogsoon

Shariifo Maxamuud Rooble oo ah Hooyada dhashay Aamina Maxamuud Axmed oo ka mid aheyd dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Ex Koontarool Afgooye ayaa ku eedeysay safaaradda Soomaaliya ee Turkiga in ay qasab ku celineyso gabadheeda oo aan wali bogsoon.

Shariifo ayaa sheegtay in Dhakhaatiirta Isbitaalka ay ku jirto Gabadheeda ku wargaliyeen in wali xaaladeeda caafimaad tahay mid aan wanaagsaneyn loona baahan yahay in la sii daweeyo, laakiin safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ku adkeysaneyso in dalka dib loogu celiyo.

Laakiin safiirka laftirkiisa oo arintan wax laga weydiiyay ayaa meesha ka saaray eedeynta loo soo jeediyay isaga oo sheegay in arintan aysan wax door ah ku laheyn safaaradda laakiin go'aamisay sida uu hadalka u dhigay Wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga.

'' Wax weeye inta badan Dhakhtarka gacanta ku haya qofka bukaanka ah ayaa warqad u qora Wasaarradda Caafimaadka, warqadaa uu dhakhtarka soo qoray ayeey Wasaarraddu ku go'aan qaadaneysaa'' ayuu yiri Safiir Jaamac Cabdullaahi Ceydiid.

Wuxuu intaa ku darray in ay jireen dhaawacyo kale oo horay loo celiyay kuwaa oo hadda bogsaday kuna sugan ayuu yiri gudaha dalka Soomaaliya.

Guud ahaan waxaa jira in siweyn looga deyrinayo xaalada caafimaad qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Ex Koontarool Afgooye ee daweynta caafimaad loo geeyay magaalada dalka Turkiga.