Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Ayaa Mamnuucday Ka Ganacsiga Gaadiika Dab-Damiska

0
Wednesday February 05, 2020 - 10:57:52 in by salman abdi
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Ayaa Mamnuucday Ka Ganacsiga Gaadiika Dab-Damiska

    Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Ayaa Mamnuucday Ka Ganacsiga Gaadiika Dab-Damiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Ayaa Mamnuucday Ka Ganacsiga Gaadiika Dab-Damiska

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL ayaa soo saaray Wareegto Wasiir oo uu ku mamnuucday ka ganacsiga Gaadiidka loo adeegsado bakhtiinta dabka, wasiirka oo soo xiganaaya talo soo jeedin uu u soo gudbiyey Taliyaha Ciidanka La Dagaalanka Dabku, ayaa sheegay in cidii u baahan soo dejinta gaadiidkaasi ogolaasho ka soo qaadato Talaiska Ciidankaasi, laga bilaabo taariikhda wareegtadu soo baxday, waxaa sidaa lagu sheegay wareegto ka soo baxaday xafiiska wasiirka oo u dhignayad sidan.:-

 

Ku:Dhamaan GanacsataddaMacradada Gaadiidka=Hargeysa=

Ku: Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta =Hargeysa=

Ku: Wasiirka W.Horumarinta Maaliyadda =Hargeysa=

OG: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha =Hargeysa=

OG :Wasiirka W.Ganacsiga, Warshaddaha & Dalxiiska =Hargeysa=

OG: Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska = Hargeysa=

OG: Madaxweynaha J.S.L = Hargeysa

 

 

Ujeedo;Gaadiidka Dab-Demiska

 

 

 

MARKAAN ARKAY:

Qodobada20aadiyo42aadee Xeerka Wadamarista Gaadiidka(Xeer L/r 56/2013);

 

 

 

MARKAN ARKAY:

Qodobka25aadFaqradiisa8aadee Xeernidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayadaha Xukuumada(Xeer L/r 01/2018)oo tilmaamaya Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta, isla markaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeeggyada xamuulka ee wadanka.

 

 

 

MARKAN HLAY:

talo soo jeedin Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Qaranka ee hakinta soo dejinta & ka ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska ah ee dalka la keeno.

 

 

 

 

 

 

 

WAXAN SOO SAARAY WAREETADAN

 

1.In GaadiidkaDab-Demiskalaga mamnuucay in laga ganacsado guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda laga 4thApril 2020,

2.Cid kasta oo u baahan soo dajinta Gaadiidka Dab-Demiska waa inay ogolaansho ka haystaan Taliska Guud ee Ciidanka Dab-damiska laga bilaabo taariikhda wareegtadan soo baxday.

 

 

 

 

 

Alla Mahad Leh

 

 

C/laahi Abokor Cismaan

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka