Madaxweyne Deni oo shaqadii ka eryay agaasimihii Puntland TV

0
Thursday February 06, 2020 - 13:37:41 in by salman abdi
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo shaqadii ka eryay agaasimihii Puntland TV

    Madaxweyne Deni oo shaqadii ka eryay agaasimihii Puntland TV

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Deni oo shaqadii ka eryay agaasimihii Puntland TV Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Telefishinka iyo Raadiyaha Puntland, Jamaal Carab Yuusuf.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa xilka ka qaadistaan u cuskaday Xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay (Lr.14), isagoo u sababeeyay Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Puntland.

Waxaa xilka agaasimaha si kumeel gaar ah loogu magacaabay Daahir Cabduqaadir Axmed oo horey u ahaa agaasime ku xigeenka Puntland tv.

Jamaal Yuusuf Carab ayaa xilkaan soo hayay tan iyo sanadkii 2016.