Hirshabeelle oo Arrimaha Fatahaadda kala hadashay Qarramada Midoobey iyo Mareykanka

0
Friday February 07, 2020 - 13:33:31 in by salman abdi
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirshabeelle oo Arrimaha Fatahaadda kala hadashay Qarramada Midoobey iyo Mareykanka

    Hirshabeelle oo Arrimaha Fatahaadda kala hadashay Qarramada Midoobey iyo Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hirshabeelle oo Arrimaha Fatahaadda kala hadashay Qarramada Midoobey iyo Mareykanka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo booqoasho ku jooga Magaalada Muqdisho kulan la qaatey Wakiilka Qarmada Midoobey ee Soomaaliya Amb, James Swan isaga oo kala hadlay arrimo kala duwan.

 

 

 

Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabelle ay uga wada hadlay kulankooda daadejinta golaha deegaanka degmooyinka Hir-Shabeelle iyo wax ka qabashada arrimaha barakacayaasha iyo Fatahaadaha sida jogtada ah uu u sameeyo Webiga Shabelle.

 

 

Maxamed Cali Caadle ayaa dhinaca kalana waxaa kulan uu la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya amb, Donland Yamamoto waxaana kulankaas looga hadlay caawinta Hirshabeelle iyo sidii arrimaha barakacayaasha uga saacidi lahaayeen.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay masuuliyiintaan garab istaagooda iyo sida ay uga go’antahay in ay baahiyaha jira wax kala qabtaan maamulka Hirshabelle.