Soomaaliya iyo Morocco oo iska kaashanaya maaraynta biyaha iyo ilaha tamarta

0
Sunday February 09, 2020 - 12:01:30 in by salman abdi
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Morocco oo iska kaashanaya maaraynta biyaha iyo ilaha tamarta

    Soomaaliya iyo Morocco oo iska kaashanaya maaraynta biyaha iyo ilaha tamarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya iyo Morocco oo iska kaashanaya maaraynta biyaha iyo ilaha tamarta Agaasimaha Guud ee Xafiiska Korontada iyo Biyaha ee dalka Morocco, Abderrahim El Hafidi, ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dowadda Soomaaliya oo ay hogaamineyso wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Fawzia Mohamed Sheikh.

 

Shirka ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha ee dhinacyada korantada, biyaha la cabbo iyo maareynta biyaha wasakhda ah.

El Hafidi wuxuu iftiimiyay istiraatiijiyadda tamarta ee ay hogaamineyso Boqortooyada Morocco iyadoo xoogga saareysa horumarinta tamarta la cusbooneysiin karo iyo sidoo kale horumarka ay Morocco ka sameysay waaxda korantada.

Waftiga Soomaaliya waxay booqdeen xarunta daaweynta biyaha ee Bouregreg, oo ah qaybta ugu weyn ee soosaarka biyaha la cabbo ee Morocco.

Wasiirka Soomaaliya, ayaa bogaadisay waayo-aragnimada dalka Morocco ee ku aaddan maaraynta biyaha iyo maareynta ilaha tamarta, waxayna muujisay rabitaanka waddankeeda inay ku horumariso iskaashi ay la yeelato Xafiiska Korontada iyo Biyaha ee dalka Maroco.

Si taas loo gaaro, waxaa la isla gartay in la dejiyo qaab iskaashi oo looga golleeyahay in lagu bixiyo taageero farsamo oo dhinaca Soomaaliya ah iyada oo loo marayo wadaagga khibradaha, isweydaarsiga booqashooyinka khubarada iyo dhisidda awoodda aagagga korantada, biyaha la cabbo iyo maareynta biyaha wasakhda ah.