Dawladda Sacuudiga Oo Turkiga Ku Eedeeysay Inuu Taageero Kooxaha Xagjirka Ee Soomaaliya Iyo Liibiya

0
Saturday February 15, 2020 - 12:08:24 in by salman abdi
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Sacuudiga Oo Turkiga Ku Eedeeysay Inuu Taageero Kooxaha Xagjirka Ee Soomaaliya Iyo Liibiya

    Dawladda Sacuudiga Oo Turkiga Ku Eedeeysay Inuu Taageero Kooxaha Xagjirka Ee Soomaaliya Iyo Liibiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Sacuudiga Oo Turkiga Ku Eedeeysay Inuu Taageero Kooxaha Xagjirka Ee Soomaaliya Iyo Liibiya

Dowladda boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa eedemo culus u jeedisay Turkiga, waxaana ay sheegtay inuu teegeero u fidiyo maleeshiyaadka kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.


Caadil Al-Jubeyr oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga oo qabtay shir jaraa’id oo uu kaga warramyey booqashadiisa caasimada Romania, Bucharest ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay ka soo horjeedo duulaanka Turkiga ee wadanka Suuriya iyo taageerada uu u fidiyo maleeshiyaadka xagjirka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay dowladda Turkiga ay ka soo horjeedo xasiloonida dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Al-Jubeyr ayaa carabka ku goday inuu Turkiga taageeradiisa Soomaaliya haatan u leexiyey inuu caawiyo argagxisada.

"Waxaan ka soo horjeednaa galitaanka Turkiga ee Suuriya, waxaanan ka soo horjeednaa taageerada ay Turkigu siinayaan maleeyshiyaadka Soomaaliya, Syria iyo Libya”. ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu doonaayo inuu xasilooni daroka abuuro caalamka, isagoo taageerayo kooxaha ka soo horjeeda dowladdaha.

Dalalka Sacuudiga iyo Turkiga ayaa siyaasad ah si aad ah, isku haya, balse weli ma jiro wax jawaab ah oo xukuumadda Ankara ay bixisay eedeymaha loo jeediyey.