''Waa la qaadayaa Dhagxaanta ku xiran jidadka Muqdisho"Wasiirka Amniga Somalia.

0
Saturday February 15, 2020 - 12:09:53 in by salman abdi
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''Waa la qaadayaa Dhagxaanta ku xiran jidadka Muqdisho"Wasiirka Amniga Somalia.

    ''Waa la qaadayaa Dhagxaanta ku xiran jidadka Muqdisho"Wasiirka Amniga Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Waa la qaadayaa Dhagxaanta ku xiran jidadka Muqdisho"Wasiirka Amniga Somalia.

Wasiirka Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale ayaa sheegay in dowladdu qorsheyneyso dhawaan in la qaado dhamaanba Dhagxaanta ku ku xiran jidadka magaalada Muqdisho

 

 

Wuxuu sheegay in sababta arintan loo sameynayo tahay in meesha laga saaro ciriiriga iyo saxmada ka jirta qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho oo dadka iyo gaadiidkuba wada isticmaalayaan jidadka kooban madaama ay magaalada kala xiran tahay.

 

Wasiir Isloow ayaa sheegay in marka laga eego dhibaatada ay shacabka ku qabaan xirnaasha jidadka iyo dhagxaanta ku go'an tahay arin la qaadan karo oo macquul ah , laakiin haddana dhinaca kale marka la eego ayuu yiri wax weyn ka tareen sugida Amniga.

''Wey yaraadeen qaraxyadii ka dhici jiray magaalada taana waxaa qeyb weyn ka qaatay baraka Koontarool iyo Dhagxaanta lagu gooyay qaar ka mid ah jidadka Muqdisho'' ayuu yiri Wasiir Isloow.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa cabasho weyn ka muujinaya xirnaashaha jidadka magaalada iyaga oo dalbanaya in arintaan dowladdu wax ka qabato.