Salva-kiir oo yareenayo dowlad goboleedyada dalkiisa

0
Sunday February 16, 2020 - 08:56:09 in by salman abdi
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salva-kiir oo yareenayo dowlad goboleedyada dalkiisa

    Salva-kiir oo yareenayo dowlad goboleedyada dalkiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salva-kiir oo yareenayo dowlad goboleedyada dalkiisa

Madaxweynaha South Sudan ayaa waafaqay inuu yareeyo tirada dowlad goboleedyada dalka, taasi oo ahayd codsiga ugu weyn oo uu mucaaradka dalbanayey si loo soo afjaro dagaalladii sokeeye oo loo dhiso dowlad loo dhan yahay.

Madaxweyne Salva-kiir iyo Madaxii hore fallaagada Riek Machar ayaa cadaadis caalami ah la kulmaya si ay u soo afjaraan meel marinta heshiiska nabadeed oo ay horay u wada gaareen.

Waxaana labada dhinac loogu baaqay kulankooda toddobaadka soo socda ay yeelanayaan inta aan la gaarin wixi ay isku fahmi la'yihiin iney xalliyaan.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa tallaabadan ku qeexay mid xanuun badan balse ay tahay lagama maarmaan haddii ay nabad keeneyso.

Hataan waxaa la sugayaa jawaabta Riek Machar balse Hogaamiyehii hore ee mucaaradka ayaa ku adakeystay dhimista tirada gobollada sababtoo ah waxa uu ka shakiyay in madaxaweynaha u doonayo inuu sare u qaadayo awoodihiisii oo uu jagooyin u magacaabo dadka isaga daacad u ah.

Haatan muddo toddobaad ah ayaa ka dhiman xilligii loo asteeyay in la sameeyo dowlad wadaag ah inkasto ay weli jiraan caqabado kale oo hortaagan, hase yeeshee dadka Suudanta koonfureed ayaa ku han weyn in mar un uu soo afjarmo khilaafka iyo kala shakiga u dhaxeeya madaxweyne Kiir iyo Mr Machar si nabad waarta dalkaasi ay colaaddu daashatay looga helo.

Tobanaan kun oo qof ayaa la dilay, in ka badan 2 malyan oo qofna waxay ka bara kaceen colaadda dalkaas ee ka dhalatay farqiga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Kiir iyo Machar.

Displaced people taking shelter at a UN compound in Juba (UNMISS picture)Image copyrightAFPLahaanshaha sawirkaAFP

Labada hogaamiye ayaa horay u saxiixay dhawr heshiis balse ma aysan noqn kuwa mira dhala.

Salva Kiir ayaa wadanka madaxweyne ka ahaa tan iyo markii dalkaasi koonfurta sudan ay sanadii 2011-kii ka xuroobeen Sudan. Waxaana la hakiyay doorashooyin lagu waday in ay dalkaasi ka dhacaan sanadkii 2015-kii.

Dagaalkan sokooye ayaa waxa uu dalkaasi ka bilowday sanadkii 2013-kii, kadib markii uu khilaaf dhaxmaray Mr Kiir iyo Machar oo xiligaasi ahaa ku xigeenkiisa.