Kulankii Itoobiya Waxa Uu Qayb Ka Ahaa Qorshe Maraykanku Wado

0
Sunday February 16, 2020 - 12:34:58 in by salman abdi
  • Visits: 284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Itoobiya Waxa Uu Qayb Ka Ahaa Qorshe Maraykanku Wado

    Kulankii Itoobiya Waxa Uu Qayb Ka Ahaa Qorshe Maraykanku Wado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii Itoobiya Waxa Uu Qayb Ka Ahaa Qorshe Maraykanku Wado

Kulankii Ethopia waxa uu qayb ka ahaa qorshe maraykan wado, Ethopiana ay fulinayso oo lagu kaabayo dhismaha Somalia iyo Somaliland.

dawladda Soomaaliya waxa lagala shaqaynayaa sidii wax looga qaban lahaa, waxna looga beddeli lahaa nidaamka federaalka oo qaabka uu imika u shaqeeyo lagu macneeyay mid caqabad ku ah in dawladda dhexe awooddeedu shaqayso.

Tallaabada koowaad ee qorshahan ayaa ah in lagu qanciyo madaxda maamul goboleedyada ay dawladda dhexe ismaandhaafsanyihiin in ay u hoggaansamaan awaamiirta iyo siyaasadda dawladda dhexe.

Haddii taas lagu guul daraysto waxa xigta In taageero dhaqaale iyo mid dhisme ciidan ahba dawladda Soomaaliya lala garab istaago si meesha looga saaro madaxda maamul goboleedyada qaarkood looguna beddelo kuwo gacanta lagu haynkaro.

Qorshahan ayaa dhanka Somaliland waxa laga caawindoonaa Laguna garab istaagidoonaa in ay xuduudeheeda dhamaan gaadho kana taliso maamul ahaan.

Si arrintan aan wax muran ah uga iman waxa madaxda Soomaaliya lagu qanciyay in habayaraatee aanay wax farogalin ah ka samayn gudaha Somaliland maaddaama taas beddelkeeda lala dhisayo dawladnimo at ay taladeeda faraha ku wada hayaan oo aan maamulgoboleed awood badani caqabad ku noqon.

Waa qorshayaal labada madaxweyne Biixi iyo Farmaajo midba si dan uga dhex arkay fulintiisuna bilaabantay.

Wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ayaa qorshahan isna garab socon doona.

In Somaliland iyo Somaliya laga dhiso nidaamyo dawladeed oo ammaankoodu sugan yahay, ka dibna arrinka u dhexeeya wadahadal lagu dhameeyo waxa dabada ka riixaya dano dhaqaale iyo kuwo milletry oo kow ay ka tahay baddacass iyo barta ay dhacdo.

Illo xogogaal ah.

Sadiiq Burmad