Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yaasiin X.Maxamuud Xiir ( Faratoon ) ayaa ka waramay socdaalkii deg dega ahaa ee madaxweyne Biixi uu ku tagay Addis Ababa.

0
Sunday February 16, 2020 - 12:44:55 in by salman abdi
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yaasiin X.Maxamuud Xiir ( Faratoon ) ayaa ka waramay socdaalkii deg dega ahaa ee madaxweyne Biixi uu ku tagay Addis Ababa.

    Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yaasiin X.Maxamuud Xiir ( Faratoon ) ayaa ka waramay socdaalkii deg dega ahaa ee madaxweyne Biixi uu ku tagay Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yaasiin X.Maxamuud Xiir ( Faratoon ) ayaa ka waramay socdaalkii deg dega ahaa ee madaxweyne Biixi uu ku tagay Addis Ababa.

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa shalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa, ka dib saddex maalmood oo ay Addis Ababa joogeen.

Waxa uu sheegay inay kulmeen madaxweyne Muuse iyo Madaxweyne Farmaajo, waxa uu sida oo kale ka hadlay inay fariinta Somaliland madax iyo ururo badan oo Afrikaan iyo dalalka dunida ahba ay gaadhsiiyeen, waxa uu sidan ku sheegay kadib markii shalay goordanbe ay Hargeysa ku soo laabteen waftigii uu hogaaminayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka arimaha dibada Faratoon oo warbaahinta madaarka Cigeel kula hadlay markay Hargeysa ku soo laabteen waxa uu yidhi " Waftigan sida aad la wadda socotaan waxa ay ujeedadiisu ahayd ama uu u anbabaxay inuu ka qaybgalo sida caadada u ahayd sanad walba shirka Afrika ee guud waxaynuna u tagnaa qadiyada Somaliland sidii looga hawlgali lahaa diblamaasiyad ahaan iyo siyaasad ahaan loo faafin lahaa ee loo baahin lahaa ee looga dhaadhicin lahaa Afrika iyo inta ay xidhiidhadu inaga dhaxeeyaan iyo danuhu, ujeedada shirka loo tagay ayay ahayd, shirka marka hore waxa tagay aniga iyo shaqsiyaad kale oo reer Somaliland ah iyo safaaradeena joogta Addis Ababa, mudo markuu socdayna wax anoo muuqatay in uu ka miisaan weyn yahay oo culays intayadii markaas halkaas joogtay ka badan loo baahan yahay sidaa daraadeed ayaan madaxweynaha ugu yeedhay, madaxweynuu si deg deg ah ayuu ku soo baxay 11-kii subaxnimo ayaan la soo hadlay maqribkiina Addis Ababa ayuu joogay isaga oo markaas dareemay baahida halkaas loo qabo inuu yimaado oo ka qaybgalo shirkaas.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay " Shirkaas muddadii aan joognay mar hore iyo mar danbeba waxaanu la kulanay oo aanu aragnay oo aanu qadiyadayada aanu kala hadalnay oo aanu isku horfadhiisanay madaxbadan oo Afrika ah iyo dad badan oo kale oo caalamka ah oo ka soo qaybgalay shirkaas oo goob joog ka ahaa madaxweynayaal haday tahayba, wasiiro haday tahay, madaxda laamaha Midowga Afrika iyo haayado kale oo caalami ah oo aan ka wadda hadalnay qadiyada Somaliland, alle mahadi ah ka gaadhee waxaanu u aragnaa in shirkaas aanu guul ka gaadhanay oo danihii aanu ka lahayn aanu ka gaadhnay,cid walba oo aan halkaas kula kulanay si fiican ayaanu isku afgaranay ama aanu fahansiinay qadiyadaas.shirkaas ka qaybgalkiisa iyo tagitaankiisa iyo haddii ay tahay meelihii aanu tagnay dawlada Itoobiya iyo ciddii kale ee aan la kulmaynay si meeqaamkeedu uu aad u sareeyo ayaa nalloo soo dhaweeyay meeqaam la siman haddaanu ka heersarayn waddamo badan oo Afrika ah ayaa madaxweynaana la siiyay oo aan kaga qaybqaadanay, waxaan idiin sheegayaa in raysal wasaaraha Itoobiya guddoomiyhii cusbaa ee la doortay Midowga Afrika in la’la kulmay oo madaxweynuu uu la kulmay sidii loo baahnaana ay ula kulmeen.”

Waxa uu wasiir Faratoon ka hadlay kulanka madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya " Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayay ku kulmeen, madashaasina

waxay ahayd meel madaxdii Afrika oo dhami ay imaanaysay markii shirkii dhamaaday maddaxdii way isasii macasalaamaynaysay oo waa laysasii arkaayay oo waa laysa sii bogaadinaayay oo la sii balamayay,sidaas ayuu madaxweynuu u tagay madaxweyne Farmaajna sidaas ayuu u yimi sidaas ayay isku arkeen warkaasuna intaas ayuu ku kooban yahay oo aynu ku dhaafaynaa.”


 

Xigasho/geeska Afrika