Waa tilaabo muhiim ah in Soomaaliya ku dhowdahay in daymaha laga cafiyo

0
Sunday February 16, 2020 - 16:52:02 in by salman abdi
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa tilaabo muhiim ah in Soomaaliya ku dhowdahay in daymaha laga cafiyo

    Waa tilaabo muhiim ah in Soomaaliya ku dhowdahay in daymaha laga cafiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa tilaabo muhiim ah in Soomaaliya ku dhowdahay in daymaha laga cafiyo Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay go'aanka hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo World Bank, taasoo ku saabsan in Soomaaliya u qalanto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

 

Qoraal kooban oo lagu qoray bogga Twitter ee xafiiska UNSOM, ayaa lagu sheegay tilaabo muhiim ah oo horey loo qaaday, si Soomaaliya looga cafiyo $ 5.3 bilyan dayn ah oo caalamku ku leeyahay.

Guddiyada fulinta IMF, ayaa bogaadiay in mas'uuliyiinta Soomaaliya ay sameeyeen dib-u-habeeynta dhaqaalaha iyo hay'adaha iyadoo lagu guda jiray duruufo adag, waxaana la isku raacay in Soomaaliya ay xaq u leedahay caawinaad iyada oo loo marayo qiimeyn horudhac ah.

Qiimeynta waxaa lagu sheegay in ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaadayo in la cafiyo deynta inteeda badan, taasoo haddii Soomaaliya laga cafiyo horseedi karta in dalku gaaro nabad iyo barwaaqo.