Daacish oo gudaha Puntland tababar ku siinaysa dagaalamayaal cusub oo ay qoratay

0
Monday February 17, 2020 - 12:33:48 in by salman abdi
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo gudaha Puntland tababar ku siinaysa dagaalamayaal cusub oo ay qoratay

    Daacish oo gudaha Puntland tababar ku siinaysa dagaalamayaal cusub oo ay qoratay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daacish oo gudaha Puntland tababar ku siinaysa dagaalamayaal cusub oo ay qoratay Kadib guul darrooyin ay ISIS kala kulantay dagaaladii Alshabab kula gashay buuraha ku teedsan gobolka Bari, waxay kooxda soo bandhigtay dagaalamayaal cusub oo ay u bilowday tababar miltari.

 

Warbaahinta caaalamka ayaa sannadkii lasoo dhaafay qoray in kooxdu bilowday qorashada askar cusub, kadib markii tiro badan oo katirsan dagaalamayaasheedu ay ku dhinteen dagaalo ay la galeen Alshabab, ciiddamada Puntland duqeymaha Maraykanka.

ISIS waxay xalay faafisay warbixin iyo sawirro ay ku muujinaysay xeryaheeda tababar ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxaana xeryahaas ay ugu magac dartay hoggaamiyayaashii ugu sareeyay kooxda ee la dilay.

Puntland ayaa dhawaan ayaa meesha ka saartay saameynta kooxda ISIS iyadoo sheegtay in aanu lahayn awood ay ciiddanka Puntland kala hortagi karaan. sidoo kale waxay sheegtay in ay naf la caari ku yihin buuraha