Deni oo magacaabay guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga Puntland

0
Tuesday February 18, 2020 - 15:58:18 in by salman abdi
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deni oo magacaabay guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga Puntland

    Deni oo magacaabay guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deni oo magacaabay guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga Puntland Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada shirka Wada-tashiga Puntland.


Madaxweyne Deni ayaa magacaabiddaan sameeyay kahor inta uusan maanta u safrin dalka Jibuuti halkaas oo uu sheegay inuu ka helay casuumaad uu u sameeyay madaxweynaha Jibuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Shirka wadatashiga ah ayaa ujeedadiisu tahay, si looga tashado mustaqbalka Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaaleynta Soomaaliya.

Xubnaha uu madaxweynaha magacaabay ayaa waxay kala yihiin,

1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.

5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.

7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.

9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.

10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.

11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin.