Ex Madaxweyne Siilaanyo Wuxu Ahaa Siyaasi Ka Feejignaa Muusaha Maanta"Faalo"

0
Friday February 21, 2020 - 10:27:12 in by salman abdi
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex Madaxweyne Siilaanyo Wuxu Ahaa Siyaasi Ka Feejignaa Muusaha Maanta"Faalo"

    Ex Madaxweyne Siilaanyo Wuxu Ahaa Siyaasi Ka Feejignaa Muusaha Maanta"Faalo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex Madaxweyne Siilaanyo Wuxu Ahaa Siyaasi Ka Feejignaa Muusaha Maanta"Faalo" Miisaska wax laggu qorsheeyo , khubaraddu wuxuun bay isu geegaysaaye , Waaggii doorashaddii 2003 kulmiye wuxuu isu geeyey xisaab uu isku fadhiisiyey ,taasoo nuxurkeedu ahaa in ay ku guulaystaan doorashadda . Doorashadii markii la galay wax badani siday u dhigeen bay u dhaceen , marka lagga rabo hal meel, Codkii Xisbiga Kulmiye ugu tala galay in uu ku mooso codka Boorame oo ahaa Codka Hargaysa ayaa wax badani iska badaleen Codkii miyiga Hargayssa wuu is goostay , codkii magaaladuna wuu isku dhadhadhawaaday , sidaa darteed , codkii Burco ee kulmiye guusha u haystay iyo codkii boorame ayaa isku soo fakaday , xisaabtani waxay soo fadhiisatay zero zero 

, natiijadani waxay noqotay in laggu kala baxo 80 cod , guul daradii waagaas kulmiye soo gaadhayna halkaasay ka timi .
 lagga soo bilaabo waagaas 2003 ilaa 2017 oo ahayd markii uu xilka ka degey , Siilaanyo wuxuu xidhiidh wanaagsan la yeeshey deegaanada Bariga Hargaysa , waxaana xusuus mudan Ololihii uu ku jirey mudada dheer ee kaambaynka wuxuu kusoo afjray 23-june 2010 , safar uu isugu maray saba-wanaag iyo cadaadley oo uu habeenkaa u hoyday , 26-june foodkii ayaa dhacay . Kuraasidda uu siiyey Siilaanyo barriga Hargaysi waxay ahaayeen kuwo badan , waxanaay taxnaayeenHeer degmo ilaa ilaa heer wasiir Si kastaba ha ahaatee , siilaanyo wuxuu ahaa siyaasi feejigan oo meesha uu wax ka filayo iyo meesha uu is leeyahay waxbaa kaaga imanayaba aan ka jeesan oo mar walba indhaha ku hayn jirey .