Bernie Sanders oo Ruushka uga digay 'inuu ka fogaado doorashooyinka Mareykanka'

0
Saturday February 22, 2020 - 07:44:15 in by salman abdi
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bernie Sanders oo Ruushka uga digay 'inuu ka fogaado doorashooyinka Mareykanka'

    Bernie Sanders oo Ruushka uga digay 'inuu ka fogaado doorashooyinka Mareykanka'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bernie Sanders oo Ruushka uga digay 'inuu ka fogaado doorashooyinka Mareykanka'

Musharada rajaynaya inuu Xisbiga Dimuqraadiga ku matali doono tartanka madaxtinimada waddanka Mareykanka Bernie Sanders ayaa waxa uu waddanka Ruushka ku cambaareeyay iskudayga la sheegay inay ku doonayaan inay gacan ka siiyaan ololihiisa, isagoo u sheegay "inay faraha kala baxaan doorashada Mareykanka".

Mr Sanders ayaa Jimcihii sheegay in saraakiil Ameerikaan ah ay bishii la soo dhaafay u sheegeen dedaallada Ruushka uu ku doonayo inuu ku caawiyo ololihiisa.

Isagoo ka hadlayay Bakersfield, California, ayuu Mr Sanders waxa uu sheegay in aanay caddayn sida Ruushku uu ku doonayo inuu doorashada ku farageliyo.

Hasayeeshee senatorkan 78-jirka ah ee laga soo doorto gobolka Vermont, ayaa sheegay inuu si xooggan uga soo horjeedo iskudaykasta oo sidaas lagu sameynayo.

Waxa uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku dhaleeceeyay inuu yahay "tuug kaligii-taliye ah" kaas oo ay dowladdiisa "borobagaando dhinaca internetka ah u isticmaashay si ay dalkayaga u kala qaybiso".

"Aanu qeexno, Ruushku waxa uu doonayaa inuu na kala qeybiyo oo waxba kama jiraan ka soo qaado dimuqraadiyadda Mareykanka, anigu ma ihi madaxweynaha haatan talada haya, sidaas daraadeed waxaan aad uga soo horjeedaa dedaalladaas iyo quwadkasta ee kale ee ajnabi ee doonaysa inay faragaliso doorashooyinkeenna," Mr Sanders ayaa yiri.