Ruushka 'wuxuu faragalinayaa doorashada Mareykanka, si mar kale loo doorto Trump'

0
Saturday February 22, 2020 - 07:46:59 in by salman abdi
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka 'wuxuu faragalinayaa doorashada Mareykanka, si mar kale loo doorto Trump'

    Ruushka 'wuxuu faragalinayaa doorashada Mareykanka, si mar kale loo doorto Trump'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka 'wuxuu faragalinayaa doorashada Mareykanka, si mar kale loo doorto Trump'

Laamaha sirdoonka ee Mareykanka ayaa ka digay in Ruushka uu isku dayi doono inuu madaxweyne Donald Trump ka caawiyo sidii dib loogu soo dooran lahaa marka la gaaro doorashada madaxtinnimada ee bisha November, sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Warbaahinta oo soo xiganeysa saraakiil sar sare ayaa sheegtay in hadalkan uu kasoo baxay kulan ay albaabada u xirnaayeen oo 13-kii bishan February xog lagu siiyay guddiga sirdoonka ee aqalka Wakiillada.

Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu soo warramay inuu si aad ah uga carooday arrintan, isagoo ka cabanaya in siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddigu ay macluumaadkaas u adeegsan doonaan si ay ugu wiiqaan ol'olihiisa.

Maalintii Khamiista ayuu baddalay ninkii u ahaa ku simaha agaasimaha laanta sirdoonka, Joseph Maguire.

Wargeyska New York Times ayaa tabiyay in Mr Trump uu si gaar ah uga carooday in kulanka xog siinta ah uu goob joog ka ahaa Adam Schiff, oo ah ninkii hoggaaminayay mooshinkii xil ka qaadista lagula damacsanaa madaxweynaha ee ay u xusul duubayeen xisbiga Dimqyraaddiga.

Mr Trump oo ay xil ka qaadis ku sameeyeen Aqalka Wakiillada, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu ku xad gudbay awooddiisa iyo inuu u hoggaansami waayay golaha wakiillada, ayaa markii dambe waxaa kiiskiisa laalay aqalka sare ee Senate-ka, kaasoo xisbigiisa Jamhuuriga ay aqlabiyad ku leeyihiin.

.Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMadaxweyne Trump ayaa dhawaan ka badbaaday Mooshin xil ka qaadis ah

Intii uu socday kulanka xogta lagu siinayay guddiga sirdoonka ee aqalka Congress-ka, taageerayaasha Mr Trump waxay ku doodeen in madaxweynaha oo mowqif adag ka taagan yahay arrimaha Ruushka, sidaas awgeedna la adkeeyay amniga iyo xiriirka dalalka kale ee Yurub, sida uu qoray wargeyska.

Mr Schiff ayaa goor dambe bartiisa Twiter-ka kusoo qoray in Mr Trump uu marka si loo eego soo fara galiyay hannaanka ay macluumaadka ku wadaagaan laamaha sirdoonka Mareykanka iyo Aqalka Wakiillada, kaasoo khuseeya faragalinta shisheeye ee doorashada madaxtinnimada, uuna madaxweynuhu isku dayayo inuu hor istaago kala xod qaadashadaas.

Presentational white space

Mr Maguire ayaa ahaa qofka lagu waday in si buuxda loogu magacaabo xilka agaasimaha Sirdoonka Mareykanka, oo uu markii hore si ku meel gaar ah u hayay, sida uu shaaciyay wargeyska Washington Post.

Hase ahaatee wuxuu wargeysku intaas ku daray inuu madaxweynaha fikirkiisa baddalay markii uu ka war helay xogta cusub iyo waxa uu ugu yeeray "daacad darrada" shaqaalihiisa.

Madaxweynaha ayaa isbuucan ku dhawaaqay in Mr Maguire lagu baddali doono Richard Grenell, oo ah danjiraha Mareykanka u qaabilsan waddanka Jarmalka, kaasoo ah nin daacad u ah Mr Trump.

Richard GrenellLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionRichard Grenell, safiirka Mareykanka ee Jarmalka, ayaa icbuucan loo magacaabay ku simaha agaasimaha laamaha sirdoonka

Labo sarkaal oo ka tirsan maamulka Trump ayaa wargeyska New York Times u sheegay in baddalka lagu sameeyay Mr Maguire, oo kusoo aaday xogta loo gudbiyay aqalka wakiillada, uu ahaa mid si lama filaan ah ugu soo aaday dhacdadaas balse aan xiriir la lahayn.

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu faraglin ku sameeyay doorashadii madaxweynaha ee Mareykanka ka dhacday sanadkii 2016-kii, si ay u xoojiyaan ol'olaha Mr Tump ayna qalalaase uga abuuraan hannaanka doorashada Mareykanka.

Siyaasiyiinta Dimqyraaddiga ayaa ku cambaareeyay madaxweynaha inuu soo magacaabay Mr Grenell, kaasoo horay u dafiray in Ruushka uu faragalin sameeyay.