James Swan oo golaha ammaanka siinaya warbixin ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya

0
Monday February 24, 2020 - 11:58:12 in by salman abdi
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Swan oo golaha ammaanka siinaya warbixin ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya

    James Swan oo golaha ammaanka siinaya warbixin ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

James Swan oo golaha ammaanka siinaya warbixin ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ambasaddor James Swan, ayaa caawa golaha Amniga uga warbixin doona mowduucyo badan oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya ee 'hal qof, hal cod iyo arrimaha amniga waqtiga kala guurka.

 

Saacaddu markay tahay11 habeenimowaqtiga geeska Afrika ayuu James si toos ah ugasoo muuqandoonaa shaashahada Qaramada Midoobay, isagoo warbixin siinaya fadhiga golaha ammaanka QM.

Warbixintii uu bishii november bixiyay Swan wuxuu ku sheegay in indhaha lagu wada hayo doorashada 2020-ka, waxaana uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in barlamaanka uu meel mariyayo nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelaneyso iyo in la dhaqangeliyo wax ka badelkii lagu sameeyay xeerka axsaabta siyaasadda kahor dabayaaqada Disembar.

"Dib u dhac ku yimaada hannaanka doorashada ee Soomaaliya waxay khatar gelineysaa geedi-socodka doorashada 2020", ayuu yiri Swan.