Qorshihii Raysal Wasaare Abiy Ahmed Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Fashilmay

0
Monday February 24, 2020 - 12:02:42 in by salman abdi
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshihii Raysal Wasaare Abiy Ahmed Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Fashilmay

    Qorshihii Raysal Wasaare Abiy Ahmed Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Fashilmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshihii Raysal Wasaare Abiy Ahmed Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Fashilmay

Qorshihii uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku doonayey inuu ku dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Somaliland, kuna kulansiiyo labada madaxweyne ayaa fashilmay, waxaa sidaas weriyey wargeyska The East African.

Qorshaha booqashada Farmaajo ee Hargeysa, oo markii hore uu diiday madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa ka fal-celiyey Abiy Ahmed oo wafti heer sare ah u diray Somaliland si mar kale looga dhaadhiciyo, hase yeeshee Somaliland ayaa ku adkeysatay mowqifkeeda.

"Booqashada Farmaajo ee Hargeysa waa riyo malameed, iyo howl-gal aan macquul ahayn. Dowladda Somaliland waxay u taagan tahay ilaalinta madax-banaanideeda iyo sharafteeda dhuleed,” waxaa sidaas yidhi wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland Liban Yuusuf Cabsiye.

Rashiid Cabdi oo ah cilmi-baadhe ku takhusasay arrimaha Geeska Africa iyo Gacanka, horeyna ula shaqeeyey hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee ICG, ayaa sheegay in qorshaha Abiy Ahmed uu bilowgiiba khalad ku Billaamay.

"Maamulka Itoobiya aqoon buuxda kama haystaan xidhiidhka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana caddeyn u ah dhacdooyinkii toddobaadkii tagay. Labadan dhinac waqtigan ma yeelan karaan wada-hadallo toos ah, oo aanay dhexd-dhexaadin dhinac saddeexad, oo aan ahayn dalalka Geeska Africa,” ayuu yidhi.

"Waxaan filaa inay soo geba-gebowday diblomaasiyaddii ra’iisul wasaare Abiy. Waxay sii hurineysaa xiisad. Addis waa inay dib u gurataa.”

Ma cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono Abiy Ahmed, hase yeeshee kulan kale oo dhex mara Farmaajo iyo Muuse Biixi, kadib midkoodii koobnaa ee Addis-Ababa, ayaa u muuqda inuu ka dhici karo oo kaliya meel aan Hargeysa ahayn.